Kooxda Burnley ayaa ka huleeshay horyaalka Premier League kadib markii ay 2-1 kaga adkaadeen kooxda Tottenham Hotspur . Kooxda Vincent Kompany ayaa u baahday guul in ay rajo ka helaan inay soo qabtaan garoonka Nottingham Forest isla markaana ay ka baxsadaan kaalinta hoose ee horyaalka looga haro, laakiin inkastoo ay hogaanka qabteen qaadeen oo gool ku hormareen laakin , waxay ku guuldareysteen inay adkeystaan oo xaqiiqadaan seddexda dhibcood ee ay u baah naayeen si ay rajadooda u sii noolaato. Kooxda Burnley ayaa noqonaysa kooxdii labaad ee horyaalka Premier League-ga xilli ciyaareedkaan dib u laabato ka dib markii la xaqiijiyay in kooxda Sheffield United ay dib ugu soo laabatay Championship-ka bishii Aprill. Chelsea ayaa riyadiisii Yurub league in ay u soo baxdo wali u nooshahay iyadoo 3-2 s uga badisay kooxda Nottingham Forest kulankii maanta. Mykhailo Mudryk ayaa Chelsea u dhaliyey goolka hore ka hor inta uusan Willy Boly uu san bareejeyn, sidoo kale ciyaaryahankii hore ee Blue Callum Hudson-Odoi ayaa si fiican ugu cayaarey galabta kooxdi Forest isagoo laga badbaadiyey gool aad u qurux badan 15 daqiiqo  ugu dambeysay ee cayaarta. Si kastaba ha ahaatee, labo gool oo si deg deg ah u kala dhaliyeen  Raheem Sterling iyo Nicolas Jackson ayaa seddax dhibcoodba Chelsea u xaqiijiyay, iyadoo guushaasi ay sidoo kale xaqiijisey sugitaanka kooxda Forest  ay wadnaha farta ku sii haynt doonto iyo in uu dagaalka dib u celinta ay sii socon doonto maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedkan. Kooxda Manchester City ayaa si raaxo ah 4–0 uga badisay kooxda Fulham galabta, taasi oo ah tallaabo kale u ay u qaadey si ay ugu guuleysato horyaalka Premier League iyagoo  dib ugu soo laabatey hogaanka horyaalka. Goolal ay  dhaliyeen Josko Gvardiol,  Phil Foden iyo  Julian Alvarez ayaa ka caawiyay Man City in ay guul muhiim ah gaarto, waxayna  kala direen kooxdii Fulham iyagoo si xun u bur buriyey fulham meeshana oga gudbey waxayna hada culayska saareen kooxda ay horyaalka kula tartamayaan ee Arsenal. The Gunners ayaa  maalinta Axadda wajaheysa kooxda Manchester United iyagoo u muuqdo kuwo rajo weyn ka leh horyaalka premier league. Kooxda West hamn David Moyes ayaa lagu sagootiyey garoonka kooxda westhamn ee London kulankii ay la cayaareen kooxda Luton kulankii ugu dambeeyey eee Premier League ka dib markii ay 3-1 kaga adkaatay Kooxda West Ham. Albert Sambi Lokonga wuxuu u muuqday mid ku sagootin rabey gool daro Moyes isla markaana uu Luton fursad u siiyo inuu dagaalka badbaadada u galo maalintii ugu dambeysay markii uu gool u dhaliyey kooxdi martida ah hogaanka u dhiibey. Laakiin goolal ay qeybtii labaad dhaliyeen James Ward-Prowse, Tomas Soucek iyo George Earthy  ayaa Moyes siiyay guusha kulankaan, kaasi oo ah  ciyaartii ugu dambeysay ee uu garoonka west hamn ku  hogaaminayo kooxdaan oo uu mudo la soo joogey. West Ham ayaa ugu dambeyntii ku dhawaaqday in Moyes uu tagayo maalintii Isniinta ee isbuucaan dhamaadka ah ka dib markii uu hogaaminayey kooxdaan afar sano iyo bar oo uu macalin guul badan gaarsiiyey ahaa tan iyo intii uu yimid.

Wixii faaf faahin ah waxaad kala socotaan halkaan 24 gudahooda .

Wargeyska sports footbool.net  Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *