Liverpool ayaa soo bandhigtey  lacagta ay ku iibin karto waana lacag ka badan 73 milyan ginni kooxdii dooneyso weeraryahankeeda Darwin Nunez. Wakiilka cayaaryahanka ee Jorge Mendes ayaa riixaya inuu u dhaqaaqo Barcelona, ​​halkaasoo uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha kooxda barcelona ee Joan Laporta. Liverpool ayaa qorsheysatey in ay keento  xidiga ka cayaarah garabka ee kooxda PSV Eindhoven Johan Bakayoko, kaasoo ay  xiiseynayaan kooxo badan oo ka tirsan kooxdaha waa weyn waxaan ka mid ah kuwa raba  Arsenal, Brentford iyo Borussia Dortmund sidoo kale. Juventus ayaa ku dadaaleysa inay lasoo saxiixato daafaca dhexe ee Bologna Riccardo Calafiori iyagoo isku diyaarinaya inay iska iibiyaan daafacaan lagu magacaabo Bremer oo lagu qiimeeyo 52 milyan ginni, kaasoo bartilmaameed u ah Manchester United. Man Utd ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa ugu horeeya ee xiddiga khadka dhexe ee kooxda Benfica Joao Neves kaas oo loo arko badalka Casemiro. Arsenal ayaa dooneysa daafaca dhexe ee kooxda Ajax xidiga lagu magaaco Jorrel Hato, iyadoo 18-sano jirkaan loo arko bartilmaameedka koowaad ee Gunners xagaagan. Xiisaha Chelsea ay u qabto goolhayaha Everton ee Jordan Pickford ayaa waxaa ku murgiyay rabitaanka Arsenal ee 30 jirkaan si uu u noqdo badalka Aaron Ramsdale. Dhinaca kale, Chelsea ayaa la filayaa inay dib u soo celiso baacsiga ay ku doonayso goolhayaha Aston Villa ee Emiliano Martinez dhamaadka xilli ciyaareedkan. Daafaca midig ee Manchester City Yan Couto, oo haatan amaah kula jooga Girona, ayaa diirada u saaran Bayer Leverkusen, Juventus iyo kooxo badan oo Premier League ah. Waxaa kaloo city ka tagi doono xagaagan hadii lagu heshiiyo qiimaha Bernando Silva kaasi oo city ku dooneyso 50milyan oo gini waxaana aad u rabta Barcelona, xidigaan ayaa saxaafada u sheegay in uu rabo go aan dhaqso ka hor inta aan la aadin cayaaraha Euro 2024 hadii uu tagaayo iyo hadii uu naadiga la sii joogayo. Waxaa kale oo city soo afjareysaa xiisaha ay u qabaan xidiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda West Ham United ee Lucas Paqueta kaasi dhawaan lagu soo oogey baaritaan dhanka sharaadka, Man City ayaa diyaar u aheyd in la soo wareegto xiddiga reer Brazil ayaa hada arintaan darteeda oga baxdey xiisahiisa. Bayern Munich ayaa qorsheyneysa inay Chelsea ka afduubato da’yarka kooxda Palmeiras ee Estevao, laguna naaneeso ‘Messinho’ waxayna diyaar u yihiin inay bixiyaan lacag badan oo dhan 60 milyan oo euro taasi oo lagu burburin karo qandaraaskiisa. Victor Osimhen ma xiisaynayo ku laabashada Ligue 1 ee Paris Saint-Germain, waxaana uu diirada saarayaa inuu ku biiro midkood Arsenal ama Chelsea ee Premier League. Xavi Simons sidoo kale ma doonayo inuu ku laabto PSG marka amaahda uu kula joogo RB Leipzig ay dhamaato xagaagan. Wadahadal ayaa u dhexeeya labada kooxood oo ku saabsan heshiis joogto ah laakiin dhowr kooxood oo Ingariiska ah ayaa muujiyay xiisaha. Daafaca midig Emerson Royal ee kooxda Totenham ayaa waxaa dooneysa kooxda AC Milan, kaasoo u baahan doona inuu bixiyo 30 milyan oo Yuuro si ay ugu qasabto Tottenham Hotspur inay iibiso laacibkaan. Dhinaca kale kooxda Inter milan ayaa rabta in ay  sii haysato  weeraryahankeeda Marcus Thuram, laakiin ma niyad jabi doonto haddii ay koox u soo bandhigto lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 85 milyan oo euro, taasoo soo dhawaynaysa dhaqaalaha kooxda. Barcelona ayaa doonaysa 27 jirka Porto ee Pepe si ay u xoojiso baalasheeda xagaagan. Real Madrid ayaa diyaar u ah inay heshiis hal sanno ah siiso weeraryahanka amaahda ku jooga ee Joselu, kaasoo amaahda uu kaga yimid Espanyol ay ku jirto ikhtiyaarka uu si joogto ah ugu wareegayo.

wixii warar ah ee sportka kala socda halkaan gaar ahaan suuqa cayaartooyda. waxaan soo gubdin doona hadba sidey noo soo gaaran 24 saac gudahooda.

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

 
 
 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *