Kooxaha Premier League ayaa hogaaminaya tobanka kooxood ee ugu sareeya uguna dhaqaalo badan kooxaha caalamka gaar ahaan kooxaha waa weyn ee Europé.
Manchester United ayaa lagu tilmaamaa kooxda ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka iyada oo wadarta guud lagu qiyaasay 6.2 bilyan oo doolar iyada oo ka horaysa kooxaha Real Madrid,Barcelona iyo Liverpool oo ay xafiiltamaan.
Sir Jim Ratcliffe ayaa iibsadey qeyb ah  25% bilowga ah  oo lacag ahaan gaareysa $1.3bn bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay, isagoo ku kordhay 29% oo lacag ah waqtigaas ka dib taasi oo $300m oo dheeri ah. Heshiiskaasi markii uu dhacaayey waxa lagu qiimeeyay kooxda oo dhan $ 5.5bn, taas oo sababtey  maalgashigiisa uu kor u sii qaadey qiimaha naadiga, maalgashiisa kama aheyn faa'iido doon sida la sheegay  kaliya wuxuu u iibsadey arimo isaga oo u gaar ah.
Madrid waxa lagu qiimeeyaa $6.06bn, Barcelona $5.28bn iyo Liverpool $5.11bn. iyo Manchester City (Lixaad, $4.75bn), Arsenal (Sideed, $3.91bn), Tottenham Hotspur (9, $3.49bn) iyo Chelsea (tobnaad, $3.47bn) Tani waxey cadeyneysaa in Premier League uu xukumaan tobanka kooxood ee ugu sareeya liiskaan ay yihiin lix ka mid ah kooxaha premier league. 
Ka dib markii hogaanka sare la yiraahdo waxaa hoos u dhac weyn oo ku yimid Juventus oo ku jirta 11aad iyadoo lagu qiimeeyo $ 1.77bn. halkii ay horey ugu jiri jirtey 10 ugu horeysa ee qiimeynta.
Kooxo badan oo ka mid ah kooxaha Major League Soccer ayaa ku jira 50-ka sare, inkastoo naadiyadu aysan ku raaxaysan dakhli badan oo aan loo tixgelin inay yihiin tartan hogaaminaya. Los Angeles FC, tusaale ahaan, waxay soo gashay kaalinta 15aad waxayna ka sarraysaa kooxdii timid 2023 finalka UEFA Champions League ee Inter. Ciyaartoyga Lionel Messi ee Inter Miami ayaa sidoo kale la siiyay qiimo ka badan $1bn, 
Qiimeyntaan ayaa lagu saleeyey, iyadoo la xisaabinayo qiimaha naadiga iyadoo lagu saleynayo  dakhliga, "koox badan oo kala duwan" sida iibka taariikhiga ah, suuqa, xoogga sumadda, waxqabadka garoonka - labadaba taariikh tii hore iyo hadda, shuruudaha heshiisyada ,xarumaha, deynta iyo mustaqbalka la filayo. dhaqaalaha naadiga iyo horyaalka. Taasi waxay sharxi kartaa sababta naadiyada MLS ay u yihiin kuwo aad u sarreeya, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ku raaxaysanayaan garoomo cusub oo casri ah, oo ku shaqeynaya qaabka xakamaynta kharashka lagana ilaaliyo khatarta ah inay u laabato heerka labaad.
Forbes waxay daabacdaa liis sanadle ah oo la mid ah laakiin si weyn loo yaqaan qiimeynta qiimaha naadiyada, halka Deloitte Football Money League ay kooxuhu ku qiimeeyaan dakhligooda sanadka. Liiskii ugu dambeeyay ee Forbes ee la sii daayay wax ka yar 12 bilood ka hor ayaa Real Madrid ka dhigay kaalinta koowaad 6.07bn.                     Waa kan liiskii oo dhameystiran 50 koox ee ugu sareysa 2024
1	Manchester United	 Premier League	$6.2bn
2	Real Madrid	         La Liga	$6.06bn
3	Barcelona	         La Liga	$5.28bn
4	Liverpool	         Premier League	$5.11bn
5	Bayern Munich	         Bundesliga 	$4.80bn
6	Manchester City	         Premier League	$4.75bn
7	Paris Saint-Germain	 Ligue 1	$4.05bn
8	Arsenal	                 Premier League	$3.91bn
9	Tottenham Hotspur	 Premier League	$3.49bn
10	Chelsea	                 Premier League	$3.47bn
11	Juventus	         Serie A	$1.77bn
12	Borussia Dortmund	 Bundesliga	$1.64bn
13	Atletico Madrid	         La Liga	$1.62bn
14	AC Milan	         Serie A	$1.20bn
15	Los Angeles FC	         MLS	        $1.15bn
16	Inter	                 Serie A	$1.06bn
17	Atlanta United           MLS	        $1.05bn
18	Inter Miami	         MLS	        $1.02bn
19	LA Galaxy	         MLS     	$1.00bn
20	New York City FC	 MLS	        $840m
21	Austin FC	         MLS	        $800m
22	Seattle Sounders	 MLS	        $795m
23	Olympique Lyon  	Ligue 1	        $780m
24	AS Roma         	Serie A 	$770m
25	Club America	        Liga MX 	$750m
26	Ajax	                Eredivisie	$740m
27	West Ham United	        Premier League	$725m
28	Toronto FC	        MLS	        $725m
29	D.C. United	        MLS	        $720m
30	Portland Timbers	MLS	        $715m
31	CD Guadalajara	        Liga MX	        $710m
32	Newcastle United	Premier League	$700m
33	SSC Napoli	        Serie A	        $690m
34	Philadelphia Union	MLS	        $685m
35	SL Benfica	        Primeira Liga   $675m
36	Charlotte FC	        MLS	        $655m
37	Columbus Crew	        MLS	        $650m
38	FC Cincinnati    	MLS	        $645m
39	Minnesota United	MLS	        $640m
40	Nashville SC	        MLS	        $635m
41	Sporting Kansas City	MLS      	$630m


wixii warar ah ee sports kala socda halkaan.
 https://www.footbool.net/    https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *