REAL MADRID 2-1 BAYERN MUNICH (4-3 isku cel celis labadii kulan aya soo cayaareen ) Labo gool oo soo daahay uu dhaliyay Joselu ayaa Los Blancos u dirtay finalka ka dib goolkii Alphonso Davies uu u muuqday mid la degay kooxdii Jarmalka  ka socotey. Real Madrid ayaa iska xaadirisay finalka Champions League 2024 ee ka dhici doona garoonka Wembley, iyagoo si cajiib ah ku garaacay Bayern Munich labo gool oo soo laabasho ah soona daahday ayey ku badiyeen cayaartii lugtii labaad ee semi-finalka oo ka dhacday Bernabeu habeenkii habeenkii caawa ahaa-Waxa ay London ku kulmi doonaan Borussia Dortmund maalinta sabtida ee 1-da June. Markii dabaaldegyadu ka soo socdeen  garoonka Bernabeu Stadium, Jude Bellingham ayaa ugu dambeyntii raadiyay Harry Kane si uu ugu qalbi qaboojiyo. ka dib – xitaa marka loo eego sidey garoonka dhexdiisa ugg dagaalka hadana xidigii ee Real Madrid ee raadiyey kabtanka England ayaa aad loo soo dhaweeyey . Harry kean oo la bedelay shan daqiiqo cayaarta ka dhiman iyagoo markaas hogaanka cayaarta ku haayey 1-0  ayaa u baahday xoogaa qalbi qaboojin ah. Waxa laga yaabaa in ay wakhti ku qaadato in uu aqbalo go’aanka lagaga saarey cayaarta isaga oo caawiyey goolkii ay Bayern ciyaartan ku hormartay. Caawinta Kane ee Alphonso Davies ayaa u muuqatay mid Bayern isu diyaarisay safarkii ay ku aadilahaayeen finalkii Wembley. Laakiin goolashii soo daahay ee cajiibka ahaa ee uu dhaliyay Joselu oo badal ku soo galay – iyo calankii muranka dhaliyay ee caawiyaha garsooraha kaas oo meesha ka saaray in ay noqon karto goolkii ugu danbeeyay ee Matthijs de Ligt ee barbaraha – waxayna Real siisay guulihii ugu yaabka badnaa, Bellingham ayaana fursad u heysta in uu ku guulaysto Champions League xili ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Real madrid. Xidigii cayaartii caawa ee real madrid badbaadiyey waa Joselu,  waa 34-jir , amaah ayuu kaga yimid kooxda heerka labaad ee Espanyol. Si sax ayuu u akhriday cayaarta waana ka faaideystay fursadii soo martey , Joselu  oo bedel ku soo galey dhamaadkii cayaarta ayaa goolkii kowaad ee bareejada dhaliyey 88 daqiiiqo markey socotey cayaarta ka dibna goolkii guusha waxaa uu dhaliyey 91 daqiiqo markey gaaartey, laba gool ayuu ku dhaliyay seddex daqiiqo gudahood baal dahab ayuu ka galey taariikha real madrid habeenkaan Arbacada ah ee Madrid. Joselu,  oo 7 gool dhaliyay 52 kulan oo uu u saftay Newcastle United, haatana 18 gool u dhaliyay Real madrid xilli ciyaareedkan, waana horyaalka La Liga, waxaana uu kooxda Carlo Ancelotti u diray finalka ee ay kula kulmi doonaa kooxdii xaley soo baxdey ee Borusia Dortmunt kaasi oo ka dhici doonto garoonka weyn ee ku yaalo London ee Webley.

 
Wixii faaf faahin ah kala socda halkaan webkena.
 
Wargeyska sports footbool.net 
 
Football: News, opinion, previews, results & live scores - Mirror Online

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *