Borussia Dortmund ayaa u soo baxday finalka Champions League ka dib markii ay 1-0 kaga badisay Paris Saint-Germain kulankii caawa. Dortmund ayaa 1-0 ku hogaaminaysay lugtii labaad ee cayaartii caawa ka dib markii Niclas Fullkrug uu ka soo dhaliyey kulankii lugtii hore ee  Germany waxeyna si cajiib ah markale uga badiyeen kooxdii  PSG oo gurigooda joojey kulankii caawa inkasta oo kooxda France ay shuudey 43 darbo oo labada lugood ah laakin aanan dhalin wax gool ah. PSG ayaa heli kari weyday meel ay kaga gudbaan daafaca dambeedka midig ee Dortmund, iyadoo Kylian Mbappe uu ku guuldareystay inuu  soo saaro kooxda PSG kulankiisii ugu dambeeyay ee Champions League ee uu u cayaaro kooxda Faransiiska.
Kooxda Borussia Dortmund ee uu tago macalinka Edin Terzic ayaa haatan la ciyaari doonta Real Madrid ama Bayern Munich midii soo baxdo finalka 1-da June oo lagu qaban doono garoonka Wembley.
Jawi aad u badalan ayaa laga dareemay magaalada Paris waxaana labada dhinac ku soo galeen cayaarta diyaar garow sareeyo. Dad weyne faro badan ee taageero u ahaa ayaa keenay jawiga kacsanaanta ee garoonka taasi oo kooxda PSG ku soo gashey dar dar cusub ayaagoo rabey in ay goolal la yimaadaan inkastoo Dortmund ay sameysay shaqo aad u fiican oo ah in ay cadaadiso kooxda martida loo ahaa iyagoo rabey in ay ku soo baxaan goolkii hore ay gurigooda ku soo dhaliyeen. PSG ayaa ahayd mid xoogan oo kubada kontorooleysay, laakiin toogasho goolka ah ayey sameyn waayeen iyagoo dhibaatooyin kala kulmey qaab dhismeedka kooxda Borussia oo aad u xoog badanaa dhanka difaaca ah ayaa macneheedu ahaa in BVB ay ku guuleysatey qorshihii ahaa in ay ilaal shadaan goolkooda iyagoo ay PSG ay ahaayeen gool la'aan 45 daqiiqo. Ee qeybtii hore ee cayaarta Kooxda Enrique ayaa dadaal dheeri ah soo muujisey iyagaa dhinaca midig uu ay ka soo weeerar tameen Ousmane Dembele iyo Achrad Hakimi inkastoo aysan wax natiijo ah keenin hadana fursado ayey mesha ku qasaariyeen.
Haafkii dambe ee cayaarta ayaa PSG isbedel soo sameeyeen iyagoo weeraro aan caadi aheyn ku soo qaadey iyagoo soo aruuriyey kooxda Borussia, qaab cusub oo uu soo dejiyey macalinkooda Enrique ayaa u shaqeyn weysay mar kale ayadoo ay kooxdii BVD ay qaab kasta loola yimaadey ay u heleen xal ay kaga hortagaan weerarii ay ku soo qaadayeen kooxdii PSG. Laakin waxaa cayaarta hurdo dheen u direy waa markii ay uu Hummels oo daafaca oga cayaaro BVD uu gool madaxa ah ka dhaliyey cayaarta oo gabo gabo ah taasi oo dishey rajadii ay aheyd in PSG gool bareeyo ah la timaado taasi oo cayaarta ka dhigi laheyd mid waqti lagu daro oo koox waliba ay raadiso badis waxeyna ahaan laheyd cayaar furan oo kooxna aan difaac ku jirin labada kooxoodba ay raadiyaan gool midaas ayey dad badan filanayeen laakin ma dhicin oo goolkii uu Hummel dhaliyey oo ka dhigey cayaarta 2 iyo 0 taasi oo soo gababo gabeysay rajadii PSG iyo Mpabe kaas oo rabey in uu guul ku soo gabo gabeeyo waqtigiisi kooxda PSG.

Wixii faah faahin ah oo cayaaraha kala socdo halkaan.
https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *