Manchester United ayaa soo bandhigtey qiimaha lagu heli karo Rashford ayagoo sheegay in dalab 80 milyan ginni ka badan lagu qaadan doono weeraryahanka Marcus Rashford xagaagan. Man Utd waxaa laga yaabaa iney la soo wareegto weerar yahanka garabka ka cayaara ee Crystal Palace Michael Olise, iyadoo Red Devils la rumeysan yahay inay hogaamineyso tartanka saxiixiisa loogu jiro. Dhanka kale, waxaa jira warar badan oo xidigaan Olise sheegaya in uu u muuqdaa mid ku wajahan yahay Arsenal xagaaga. Joe Gomez ayaa ka fiirsanaya mustaqbalkiisa Liverpool xagaagan, waxaana laga yaabaa inuu ka tago hadii fursad sax ah ay timaado. Barcelona ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Arsenal Thomas Partey dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana ay rajeynayaan in lagu heli karo qiimo jaban xaaga soo socda. Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan Barcelona xagaaga ayaa ah inay kala xaajoodaan heshiiskii amaahda ahaa in loo cusubeysiiyo xidigaan ama ay too u iibsanayaan daafaca dambeedka midig ee Manchester City Joao Cancelo, kaasoo doonaya inuu sii joogo kooxda Catalan. Man Utd ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili si ay ugu buuxiso booska Andre Onana. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Adrien Rabiot ayaa mar kale la siin doonaa fursad uu ugu biiro Man Utd marka uu qandaraaskiisu dhaco bisha soo socota. Laakiin Barcelona iyo Bayern Munich ayaa qorsheynaya inay Man Utd kula tartamaan saxiixa Rabiot. Arsenal iyo Liverpool ayaa ka fiirsanaya inay u dhaqaaqaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Pedri, kaasoo laga yaabo inay iibiso haddii kooxda reer Spain ay quus ka istaagto inay dhaqaale u dhelaan xidiga reer portuqal ee Joe flex. Chelsea ayaa ka fiirsaneysa inay qiimo dhimis ku sameyso goolhayaha Juventus Wojciech Szczesny, kaasoo lagu heli karo 10 milyan euro. Man City ayaa ka mid ahayd kooxihii soo indha indheeyay daaficii bidix ee Chelsea Ian Maatsen intii lagu guda jiray kulankii Borussia Dortmund ay guusha ka gaadhay PSG. Indho-indheeyeyaal ka kala socda labada kooxood ee Arsenal iyo Tottenham ayaa aadey in ay soo daawadaan 18-jirka Besiktas ee Semih Kilicsoy, iyadoo 25 milyan ginni la filayo inay ku filnaato heshiiska. Florian Wirtz ayaa u arka Bayern Munich talaabada xigta ee mustaqbalkiisa laakiin kooxdiisa Bayer Leverkusen ayaa qorshaynaya in aysan iibin hadii ay dhacdo in ay iibiso waxay rabaan in ay horyaalada kale u diraan sida Liverpool, Man City iyo Real Madrid ay dhamaantood xiiseeyaan mustaqbalka fog. Arsenal ayaa dagaal ugu jirta sidii ay u sii haysan lahayd da’yarka Chido Martin Obi kaas oo ay doonayso Bayern Munich, Real Madrid iyo PSG ayaa sidoo kale muujiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa 16 jirka Martin Obi kaas oo dhawaan jabiyay rikoorka gooldhalinta Arsenal ee 18 jirada.

wixii warar ah ee ku saabsan cayaaraha horyaalada kala socda halkaan 24 saac gaar ahaan suuqa kala iibsiga cayaaartooyda ayagoo koo kooban.

Football News, Transfer News, League Tables Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *