Liverpool ayaa hogaanka u haysa Manchester United tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Napoli Victor Osimhen. Paris Saint-Germain ayaa soo bandhigtay 90 milyan oo euro laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria ayaa ku adkeysanaya inuu u dhaqaaqo Premier League xagaagan. Marco Verratti ayaa u furan inuu ka tago kooxda Qatar ee Al Arabi hal sano ka dib markii uu ku biiray, waxaana uu doonayaa inuu ku laabto Yurub, isagoo isu soo bandhigey Barcelona oo hadey rabaan uu aadi doono si bilaasha ah. Toni Kroos ayaa ku dhawaaqi doona go’aankiisa ah inuu ka sii mid ahaado Real Madrid ka dib lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Bayern Munich toddobaadka soo socda. Arsenal, Bayern Munich iyo Newcastle United ayaa loo arkaa saddexda kooxood ee ugu waaweyn ee doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Everton Amadou Onana. Xidiga garabka ka cayaara ee kooxda Club Brugge ee Antonio Nusa ayaa weli ku sii jira radarka Tottenham Hotspur laakiin 19-sano jirkaan ayaa haatan waxaa doonaya kooxo kale Arsenal iyo Manchester City sidoo kale. Ronald Araujo ayaa ka fekeraya in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa haatan Barcelona ama uu ku biiri lahaa midkood Bayern Munich ama Manchester United kuwaas oo xiiso ku qabo xidigaan xagaagan soo socda inta aan la gaarin. AC Milan iyo Juventus ayaa labadooduba waxey ka baxeen saxiixa weeraryahanka Bologna Joshua Zirkzee iyadoo laga cabsi qabo inuu u wareego Arsenal. Fulham ayaa qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca dhexe ee Chelsea Thiago Silva marka uu ka tago Stamford Bridge xagaagan, waxaana ay sidoo kale dooneyaan inay horey u wataan saaxiibkiis Trevoh Chalobah ay ku biiraan Craven Cottage. Bayern Munich ayaa u aragta daafaca bidix ee Chelsea Ian Maatsen, kaasoo haatan amaah kula jooga Borussia Dortmund, kaasoo bedeli kara bartilmaameedka Real Madrid ee Alphonso Davies. Everton ayaa lagu qasbi karaa inay iibiso goolhaye Jordan Pickford, kaasoo raadaarka Chelsea ku jira, hadii ay dhacdo inay dalab ay kula wareegaan soo gudbiyaan. Daafaca dhexe ee kooxda reer germal Eintracht Frankfurt Willian Pacho ayaa ku biiri kara Liverpool,22 jirkaan oo amaah hal xilli ciyaareed ah ugu soo laaban kara kooxda Jarmalka. Laakiin Joel Matip, Adrian, Thiago Alcantara, Nat Phillips iyo Caoimhin Kelleher ayaa dhamaantood la filayaa inay raacaan Jurgen Klopp albaabka ka bixista ee Liverpool xagaagan. West Ham United ayaa filaysa in Mohammed Kudus, Lucas Paqueta iyo Edson Alverez in ay ka tagaan naadiga waxaa jira wara sheegay in ka huleeli doonaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii ay ku hesho qiimo fiican.

wixii warar sports ah halkaan kala socda dharaar iyo habeen 24 saac

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News

 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *