Waa guul kale oo weyn oo gaartey kooxda reer Jarmalka ee kulankii Champions League ay ka horyimaadeen kooxda reer farans ee lacagta badan lagu qarash gareeyey ee PSG maadaama aysan sanadkaan waxba ku guuleysan  koobabka dalka dalka gudahiisa ah. Taas bedelkeeda waxey ku raaxeysanayaan kulama champions league  ka dib markii ay ka soo gudbeen Atletico Madrid, Newcastle, AC Milan iyo PSV oo ay soo gaareen meesha ay caawa joogaan ee quarter finalka,inkastoo ay hool adag sugeyso isbuuca soo socda ay booqan doonaa garoonka kooxda PSG ee Parc des Princes Talaadada hadii ay ku soo badiyaan ama ay bareejo ka keenaan kulankaas waxey  aadi doonaan Wembley 1-da June ay finalka la cayaari doonaan kooxdii soo baxda Real madrid ama Bayern munich kulankooda dhici doono arbaca soo socota. Haddii ay u ciyaaraan sidii ay caawa sameeyeen, si buuxda ayey ku aadi doona Wembley caawa way soo bandhigeen cayaar cajiibka oo qaab heer sare ah ay kubada u kontorooleen hadii ay ku guuleysaan in sidii caawa ay ku qabsadaan kubada garoonka PSG isbuuca dambe waa wax taariikhda u gali doono naadiga Borussia Dortmund.                                                   Jadon Sancho oo soo laabtay, Laacibkan ayaa si tartiib tartiib ah ugu soo laabanayay heerkiisi ugu sareyey ee Germany ka dib markii uu mudo ku soo wareeray kooxda Mancherter united ayaan qaab deen ah ugu soo wareegayay xili ciyaareedka Borusia dortmont balse kadib goolkii uu ka dhaliyay Leipzig dhamaadkii todobaadkii hore iyo  qaab ciyaareedkiisa kulankii caawa ee  kooxda PSG ku soo bandhigey ayaa waxaa la dhihi karaa in uu ku soo laabtay ayaa muujiyay inuu ku soo laabtay heerarkiis ugu fiicnaa ee xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Dortmund.                                  Jadon Sancho ayaa ahaa xidigaha garoonka caawa ee Kooxda Borussia Dortmund ay 1-0 kaga adkaatay kooxda PSG ciyaartii semi-finalka ee Champions League lugtii hore waxaan goolkaas u suurto galiyey ay ku badiyeen u dhaliyey xidigooda Niclas Fullkrug oo si wacan ugu soo qaabeeyey goolka kaliya ee caawa ka dhashey garoonka. Kooxda PSG oo kulankaan dhuntey oo aanba la arag caawa ayaa waxaa ku soo galeen weerarkoodi ugu sareeyey kaasi oo uu hogaaminayey xidigoodi Mpape kaasi oo aan waaca wax gool ah dhalin waliba aan saameyn ah xitaa kuma laheyn garoonka caawa inkastoo kooxda dhanba ay liiteen oo jahwareer ka heystey garoonka laakin waxaa laga rabey wax xoogaa in uu kontoataak ah ay qaateen ugu yaraan ay iska keenan goolka lagu leeyahey, inkasto ay yaqaanan in natiijada dhinaca kale u rogaan sidaa ay Barcelona ku sameeyey barcelona oo badisey kulankii hore ayaa waxey gareen lugtii labaad waliba guridooda ku soo reebeen barcelon marka way ku qasban yihin in ay sidaas oo kale mar kale sameeyaan oo ay natiijada dhinaca kale u dhigaan talaada soo socota.

Wixii warar ah ee ku saabsan kubada cagta waxaad mar walba kala socon kartaan webkeena 24 saac.

Wargeyska sports footbool.net  Sky Sports – Sports News, Transfers, Scores | Watch Live Sport

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *