Man Utd ayaa dhageysato doonto dalabyada ka imaan doono suuqa kala iibsiga ee kooxda oo dhan iyadoo kaliya 3 ciyaaryahan aysan iibin doonin. Kooxda Man Utd ayaa laga yaabaa in qaliin weyn lagu sameeyo xagaagan oo cayaartooy badan ay seefta qaado.
Red Devils ayaa dhageysan doonta dalabyada u imaan doono xidigahooda kooxda koowaad sida Marcus Rashford oo hada lala xiriirinaayo kooxda PSG si u noqoto badalka Kylian Mbappe. Waxaa lagu wadaa in isbedel xoogan uu ka dhaco Old Trafford dhowrka bilood ee soo socda iyadoo Sir Jim Ratcliffe iyo Ineos ay wadaan shaqo kooxda Man united dib loogu soo celinaayo heerkii ay taagneyd beri hore,cayaartooy badan ayaana loo baahan yahay in la diro kooxda ka dib xilli ciyaareedkii labaad ee niyad jabka leh ee uu maamulayay tabaraha Erik ten Hag. Ciyaartoyda yar ee Man Utd ayaa si joogta ah wacdaro dhigay inta lagu guda jiro 2023/24, inkasto haatan warar sheegayaan inay tixgelin doonaan dalabka macquulka ah ee ku dhawaad ​​​​dhammaan kooxda
Taas waxaa ku jira geesiga magaalada uu ku dhashay ee Marcus Rashford, kaasoo si isdaba joog ah loogu tilmaamay inuu lumiyay qaab ciyaareedkiisa ka dib markii uu 30 gool dhaliyay tartamada oo dhan intii lagu jiray 2022/23. Iyadoo la fahamsan yahay in United aysan si firfircoon u rabin inay iibiyaan xidigaan hada. madaxda kooxda dhanka Ciyaaryaha David Ornstein ayaa qaba in United ay sii haysato Rashford oo ay ka caawiso xiddiga heerka caalami ee dalka England inuu ku soo laabto qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa, laakiin ma hor istaagi doono 26 jirkaan hadii uu doonayo in uu baxo oo uu aado koox cusub iyo waji kale oo ka gedisan mid haatan yaalo Oldtrafford.Rashford ayaa kula jira United qandas 4 sano iyo ka badan iyo mushaharkiisa oo ah lacagta qaaliga ah iyo lacagta lagula wareegayo oo qaali noqon doonta ayaa cabsiin karta kooxaha kale ee doonaya xidigaan laakin Paris Saint-Germain ayaa xiiso u qabta xiddigan si ay u noqoto badalka Kylian Mbappe kaas oo dhawaan ku biiri doona kooxda Real Madrid. Suuqa xaraashka ee kooxda United waxa kale oo lagu arki doonaa cayaartooy badan oo xiddigaha kooxda koowaad ah sida Bruno Fernandes iyo Harry Maguire oo mustaqbalka baadhitaan dheeraad ah lagu samayn doono. Dhab ahaantii, kaliya seddex ciyaaryahan ayaa la rumeysan yahay in loo arko inaysan kooxda iibin doonin kuwaas oo kala ah Xiddigaha da'da yar ee Kobbie Mainoo, Alejandro Garnacho iyo Rasmus Hojlund ayaa dhamaantood soo bandhigay awoodooda ciyaareed inta lagu guda jiro xilli ciyaareedaan adag waxayna Man Utd rajaynaysaa in ay koox tayo sare leh dhisto sanadaha soo socda oo la tartami doonto City iyo Arsenal. Waxaa warar kale oo is qilaafsan ka soo baxayaan mustaqbalka tabaraha kooxda ee Erik Ten Hag kaasi oo wararka qaar sheegayaan in laga bilaabo doono cayrinta isaga ka dibna cayaartooydiisa, inkastoo wararka kale ay sheegayaan in uu sii joogi doono oo kooxda loo dhisi doon oo loo soo iibin doono xidigo tayo sare leh oo uu ku bedelo kooxda haatan oo aan aheyn sidii laga rabey, inkastoo ay taageryaasha qabaan in macalinka yaheyba cilada ugu weyn ee kowba isaga laga taqaluso.

wixii faaf faahin ah oo ku saabsan cayaaraha horyaalada ugu waa weyn ee europ kala socdaan halkaan.

https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/



By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *