Jamie Vardy ayaa laba gool dhaliyay iyada oo Leicester ay ku xasuuqday Preston si ay ugu guulaysato hanashada horyaalka championshipka kadib markii ay 3-0 ku garaacday Deepdale. Weeraryahankii hore ee England, halyeeyga guushii xusuusta laheyd ee Foxes ku qaadey Premier League sideed sano ka hor, ayaa sannadihii la soo dhaafay goolal badan ka dhaliyey horyaalkii Premier league iyo championshipka.                Taageerada kooxda Leicester oo gaarayey inka badan 5,000 ayaa aad u kacsanaa intii ay cayaarta socotey iyagoo ku soo saftey niyad aad u sareysa oo ku dabaal degaan, 37-jirka Vardy ayaana habeenkood ka dhigay mid aad u gaar ah sida  uu ololihiisa hore ee horyaalkii ay qaadeen  2018.
Vardy waxa uu u muuqday mid aad u fiiqan sidii uu ku jiray waayihiisi hore, waxana uu garoonka uga baxay sacab wanaagsan markii la bedelay 15 daqiiqo cayaarta oo ka harsan tahay.Iyada oo ay hubesadeen dib u soo noqoshadooda premier league mar hore ayaa dabaaldegyada qaarkood loo malaynaya inay hore u dhaceen - Leicester markii hore ma lahayn xoog laakiin Preston, iyada oo kaliya ku faanaysa inay u ciyaarto, wax ciyaar ah maysan helin.Daqiiqadii 15-aad Leicester ayey heshay goolkeedii ugu horeeyay kadib markii uu Yunus Akgun ku kufey Vardy ayaa helay fursadaas laakiin goolhaye Freddie Woodman ayaa lugaha ku badbaadiyey

McAteer, oo ku soo bilowday kulankiisii ​​ugu horeysay ka dib labo bilood oo dhaawac ah, ayaa nasiibkiisa isku dayay in uu ka dhaliyo cidhifka sare laakiin Woodman ayaa si raaxo leh u badbaadiyay.McAteer ayaa fursad fiican kale laga badbaadiyay markii Abdul Fatawu uu ka soo saaray kubada.
Kadib Akgun ayaa kubad uu soo tuuray Liam Lindsay laakiin garabka kooxda Galatasaray ee amaahda ku jooga kooxda ayaa dhigey kubad fiican taasi oo Leicester ay hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 36 aad.
Xidigaan reer Turkiga ayaa dib u soo celiyay kubada ka dib shaqo fiican oo ay sameeyeen Harry Winks iyo Fatawu, isagoo siiyay Vardy boos uu ku leexiyo oo uu ku rido uuna ka toogan karo goolka ka dibna Vardy ayaa hogaanka u labeeyay todobo daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad ka dib markii uu si qurux badan u farsameeyay Wout Faes, kaasoo seddex daafac ka soo dhex baxey ka hor inta uusan kubad ku hubsan goolka. Vardy ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fican oo uu saddexley dhaliyay ka dib markii xidigaha Leicester ay kubad kale ka soo shaqeeyen laakiin Woodman oo ahaa goolhaya kooxda kale ayaa sameeyey badbaadin fiican.
Ciyaaryahan McAteer ayaa daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta u dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta,waxana uu markan wax qalad ah sameynin kubad uu madax ku dhaliyay kubad uu soo karoosay ciyaaryahan kale oo lagu magacaabo Fatawu.
Leicester ayaa u soo daadatay si ay u dhaliso gooldhalinta xilli dambe, Fatawu ayaana nasiib u yeelan markii uu ku dhuftay birta.

Harry Winks ayaa sidoo kale laga badbaadiyey fursad kale oo Woodman ka badbaadiyey laakiin, Leicester, oo loo caleemo saaray koobka horyaalka championship, ayaa haatan fursad u heli doonta inay xilli ciyaareedka ku dhameysato 100 dhibcood inta ka dhiman hoyaalkaan oo la cayaari doono bisha may dhexdeeda.

wixii warar ah kala socda halkaan 24 saac.
https://www.footbool.net/ https://www.skysports.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *