Everton ayaa si qurux badan ku soo afjarey cabsidii ay ka qabatay waxayna sidoo kale god ku ridey oo dishay rajadii Liverpool ay ka qabtey in ay ku guuleystaan horyaalka Premier League, iyadoo 2-0 kaga badisay kooxda ay xifaaltamaan cayaar kulul oo ka dhacdey Goodison Park. Goolal ay dhaliyeen cayaaryahanada kala ah Jarrad Branthwaite iyo Dominic Calvert-Lewin ayaa Toffees u sahley guushii ay u baahnaayeen taas oo sideed dhibcood oo nadiif ah koreeyaan booska lagu haro ee heerka 2aad lagu aado iyadoo ay harsan tahay 4 kulan kaliya horyaalka. Dhanka kale Reds ayaa haatan u baahan mucjiso in ay dhacdo taasi oo ah in ay city iyo arsenal kulan laga badiyo si ay u soo noolaato rajadooda caawa godka ku dhacdey, labada kooxood ee Manchester City iyo Arsenal ayaa haatan ugu cad cad horyaalka Premier League. maadama hada Arsenal 3 dhicdood ka horyeyso oo hogaanka hayso halka cityna ay laba kulan baqi u yihiin oo hadey soo badiso ay hogaanka la wareegi doonto. Jarrad Branthwaite ayaa dhaliyey goolka furitaanka cayaarta bartamihii qeybtii hore ka dib markii u xili ciyaareedkan helay boos joogta ah kooxda Sean Dyche, dominic Calvert-Lewin ayaa ka faa’iideysanayay daafaca Kooxda Liverpool oo si liitada kubada iska difaacay isagoo madaxa kag dhaliyey goolkiisa caawa oo ahaa kii labaad ee kooxda Everton qeybtii labaad ee cayaarta. Liverpool way awoodi weyday inay la tacaalto weerada kooxda everton iyo, dhanka kale, waxay la dhibanaayeen ina kubada ay soo abuuraan fursadahooda ka faaideysan oo dhameystaan iyadoo darwin Nunez, Luis Diaz iyo Mohamed Salah ay fursadaha lumiyeen. Guuldaradan ayaa kooxda Klopp ka dhigeysa kuwo saddex dhibcood ka danbeyso kooxda Arsenal oo ah kaalinta kowaad hada fadhido iyadoo ay harsan tahay afar kulan oo kaliya horyaalka in la cayaaro taasoo iyo kooxda Manchester City oo laba kulan gacanta ku heysata dhibcooo hada fadhido kaalinta 3 aad oo hadii ay soo badiyaan laba kulan ay si toos ay meesha oga saari doonan kooxda Arsenal, city ayaa la cayaari doonto kooxda Brighton Khamiista. Everton ayaa ciyaarta soo gashay iyadoon xitaa gool ka dhalin afartii kulan ee ugu dambeeyey Merseyside derbies balse go’aanka ay ku dooneysay inay baddalaan rikoorkaas waa mid iska cad ilaa iyo bilowgii cayaarta wayna jebiyeen rikoorkii xumaa ee dhibaayey. Everton ayaa dhanka kale haatan ku jirta kaalinta ka fog sideed dhibcood meesha lagu aado heerka labaad kaasi oo ah booska 16aad, waxey joogan booska fiican oo wal wal la aan ah booskooda Premier League-ga, guushan ayaa u horseetay in u dabaaldegaan guul ma guurto ah oo Merseyside derby ah oo xasuus mudan. Liverpool ayaa isku dayday in ay jawaab ka bixiso , iyadoo ku dhowaatey markii Diaz uu dadaal badan sameeyey, laakiin way ka waayeen meel ay u dhaafaan Pickford oo si cajiib ah ku badbaadiyey, wuxuuna caawa 27 mar gool toogasho ay sameeyeen. Tani waa dhamaadka rajadii horyaalka ee Liverpool. Waxay u dhawdahay in ay is dhiiban iyadoo aan la gaarin dhammaadkii. Kaliya waa in ay hubiyaan in ay ku dhameystaan xili cayaareedka booska champion league ay ku soo aadan sanadka dambe.

kala socda halkaan wixii sports ah.

Wargeyska sports footbool.net Sky Sports – Sports News, Transfers,

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *