Arsenal ayaa 5-0 ku garaacday kooxda Chelsea kulan ka dhacay Emirates Stadium Talaadadii.Muddo dhowr sano oo xariir aheyd ee waayihii Chelsea, waxay ku tuman jirteen oo jirdil ku sameyn jirtey markii ay soo booqato garoonka Emarites stadiumka ee ay ku dheesho kooxda  Arsenal, laakin hada wax badan baa iska bedelay arintaas.
Garoonka Emirates Stadium cayaar ka dhacdey ayaa Gunners 5-0 ku xasuuqday kooxda Blues habeenkii Talaadada, taasoo oo koooxda Mikel Arteta ayaa 30 dhibcood oo nadiif ah ka horeysa kooxda deriskooda ah ee ka dhisan galbeedka London.
1-Martin Odegaard ayaa noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa sanadka: Haddii aad ku nooshahay London ama dunida internetka ee baraha bulshada, waxaad ogaan doontaa sida ay u qaylo badan yihiin taageerayaasha Arsenal marka kooxdoodu ay sare u kacdo. Kabtanka Gunners ayaa hadda la tartamaya laacibiin badan oo dhanka kubada sameynta aha iyo baasaska cajiibka ah ee sidii Ozil ka ahaa oo kale kubada kooxda Arsenal inkastoo uu ka fursad fiican yahey Ozil hada oo uu ku jiraan tartanka horyaalka kaalimaha ugu horeeyo. isagaan hada ugu cad cad abaal marinta xidiga sanadka ee xili ciyaareedkan.
2-Kai Havertz:Xidiga reer Jarmal ee kaga yimid kooxda Chelsea aduun dhan 65milyan oo gini ah ayaa sidoo kale noqday shaqsi aad u jecel qaab cayaareed kooxda Arsenal, isaga oo xaqiijinaya arintaas ayaa xaley dhaliyey labo gool oo caalami ah isla markaana si aad ugu dabaaldego labo gool oo uu ka dhaliyay kooxdiisii ​​hore chelsea isagoo ku digasho ayaan u yeelay taasi oo aad oga careysiisey taageeraasha kooxda chelsea.
Mauricio Pochettino wuu ku qaldanaa arinta Cole Palmer: Waa caqabad wanaagsan haddii Palmer la waayo. Waa fursad u fiican xidigaha kale, cayaartoyda Cole Palmer u fadhida booskiisa ama boos la mid ah, waxey u tahey dhiiro gelin iney booskaas ka cayaaraan kulankaan oo kale oo ay tusaan inay tani tahay kooxda kubadda cagta ee Chelsea, ee aanan aheyn koox qof u dhutineysa.Arintaas oo soo beenowday kulankii xaley oo banaanka keentay booxsa uu u haayo kooxdiisa iyo in ay ka maarmin xidigaas hal kulana. Mashruucii Chelsea ee hadda wuu fashilmay: Markii Todd Boehly iyo BlueCo ay dhammaystireen la wareegistooda Chelsea May 2022, kooxdu waxay ahayd horyaalka adduunka. Sababta ay u go'aansadeen in kooxda ay sidaan u bedelaan waa wax aan la rumaysan karin. London waa casaan - waxayna ahaan doontaa waqti dheer:Waxaa jirtey kaarto u degsaneyd kooxda Arsenal si ay u noqoto awooda ugu weyn ee London muddo dheer Waxay aamin sanyihiin in ay ku guuleysan karaan xilli ciyaareedkan Premier League. Waxay heystaan ​​lacag iyo xidigo aan caadi aheyn naadi oo farsamo kale leh. Si dhib yar ayey u soo qaadan karaan xidigey rabaan, waxey leeyihiin mashruuc soo jiidan doona ciyaartoyda da' kasta iyo awood kasta leh.

Tartamayaashooda ugu dhow ee ay hada xafiiltamaan waa kooxda kale ee Totenham kuwaas oo ay is wajihi doono kulanka soo socda ee hoyaalka , waxayna si adag u diyaarsan yihiin cayaarta ay la yeelan doonan deriskooda buuqa badan ee Tottenham Hotspur Axadda.

wixii sporta ah kala socda halkaan maalin kasta iyo saacad kasta web saadyadaan ayagoo somali iyo englishba ah.

https://www.90min.com/ https://www.footbool.net/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *