Inter ayaa guul ku gaartay Derby della Madonnina habeenkii isniinta aheyd qaadeyna  horyaalkii 20-aad ee Seria A.Inter ayaa xaqiijisay hanashada horyaalka Seria A 2023/24 ka dib markii ay xalay San Siro kaga badisay kooxda ay xafiiltamaan ee AC Milan.In kasta oo Fikayo Tomori uu gool ka dhaliyey Inter taasi oo guusha inter cariiri gelin laheyd guushooda oo ay ku jiraan kaadhadhka cas ee Theo Hernandez, Denzel Dumfries iyo Davide Calabria - kooxda Simone Inzaghi ayaa si adag ugu dagaalantey inay diiwaangeliso  horyaalka Talyaaniga 20-aad ee kooxda.

Ma soo qaban karaan Inter kooxda Stefano Pioli's Rossoneri, kaasoo 17 dhibcood ka dambeeya booska labaad iyadoo shan kulan oo kaliya ay ka harsan tahay. Koobkaan horyaalka Inter waa kii ugu horeeyay tan iyo markii kooxda Antonio Conte ay kula guuleysatay horyaalka 2020/21 - sidoo kale waxay ka caawisay kooxda inay garaacdo AC Milan oo kaalinta labaad ku jirtey ku guuleysiga horyaalka Seria A, iyagoo gaaray 20 marka la barbar dhigo 19 cadowgooda Derby della Madonnina. Waxa la dheeraadey hal horyaal. Inter waxaa laga badiyey hal kulan xilli ciyaareedka oo dhan, oo ay wajahayeen Sassuolo September 2023. Kooxda difaacanaysa horyaalka ee Napoli waligeed kuma aysan guulaysan in ay qaado labo horyaal oo xariir. Ka dib markii ay qaadeen horyaalkii hore 2022/23, iyagoo ku dhiboodey xili cayaareedkaan guulo ka gaaran kulamada ka baxsan garoonkooda. Waxaa shaqada Inter laga eryey tababarayaal badan oo ay ka mid yihiin Spalletti,Rudi Garcia iyo Walter Mazzarri ayaa shaqada laga eryay kadib markii ay soo bandhigeen qaab ciyaareed liita ka hor inta aan loo dhiibin tababaraha Slovakia Francesco Calzona inta ka dhiman xili cayaareedkan.
Kooxda Bologna ay u muuqato in ay gali doonto kaalinta afraad ama laga yaaba in ay ka xado kaalinta saddexaad. Lautaro Martinez ayaa dhaliyay 23 gool oo Seria A kuwaas oo muhiim u ah xilli ciyaareedka guusha ay gaadhay Inter, halka Marcus Thuram uu muujiyay in uu yahay saxiix lagu faaidey ka dib markii uu si xor ah uga soo biiray Borussia Monchengladbach, isaga oo ka qayb qaatay 12 gool oo uu isagu dhaliyay.
Inter ayaa si raaxo leh ku qaadey horyaalka talyaaniga xiliciyaareed kaan iyagoo dhaliyay 79 gool halka ay la haayeen daafaca ugu fiican seriada oo dhan kaasi oo laga dhaliyay kaliya 18 gool.

Wixii war ah ku saabsan sports kala socda halkaan maalin kasta horyaalada kala duwan ee caalamka.

https://www.90min.com/ https://www.footbool.net/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *