Chelsea oo 1-0 loog badisay kulankii Man City ay la cayaareen kulan ka tirsan FA cup iyadoo ay Man city u gaartey finalka fa cup. Kooxda Chelsea ee Mauricio Pochettino ayaa helay fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen balse aan ka faaideysan taasi oo keentay in laga ciribtiro koobka kaliya ay rajada ka qabeen. waxaan halkaan ku Falanqayn doona waxa ka khaldamey kooxda west London ku cayaarta ee chelsea. Kulankani wuxuu ahaa guuldaro xanuun badan oo Chelsea ka soo gaartey cayaartii semi finalka ay ka horgateen koox City ka tirsan oo daalaneyd oo niyad jabna u dheeraa ka dib markii ayaga laga soo cirib tirey koobkii Champions League ee dhawaan la cayaartey kooxda Real madrid.

Nicolas Jackson shaki laʼaan qabsadey maanta cinwaanad wargeysyada sportska aduunka oo dhan ka dib markii uu fursado badan oo uu Chelsea ka qasaariey kulankii Wembley. Waxaa xusid mudan in laacibka Senegal uu caddeeyay inuu yahay xidig orod badan, oo si joogta ah u cadaadinayay difaaca daalan ee City xawaarihiisa oo aad u dheeree dardeed, balse ka faaideysan waayey jaaniskaas nasiibdarose wixii uu qabtey oo dhan waxaa ku dheelay fursadihii uu ku guuldareystay inuu ku caawiyo kooxdiisa. Waxa uu helay fursaddiisi ugu horeysay Jackson waxey aheyd marki uu dhaafey daafacyada city oo dhan oo kaliya waxaa ka horyimid, goolhayaha Stefan Ortega, laakiin wuu ku guuldareystay inuu toogto goolka. Markii dambe, wuxuu helay mid kale hadana wuu uu khasaariyay, ka dibna wuxuu qeybtii labaad helay labo fursadood oo kale oo iyagana uu cuney oo ka qasaartey dhamaantood. Sidaas ayaa waxaa 83 daqiiqo markii ay cayaarta socotey ku helay furad kooxda city taasi oo uu u dhaliyey Bernando Silver goolkaas ayaa ciry u horseeday in gaarto finalka FA cupka ayagoo la cayaari doonto kooxda ay deriska yihiin ee Man United. Manchester united oo ayadan guul cariiri ah ka gaartey kooxda Coventry. Red Devils ayaa ku hormartey 3 gool taasi oo hogaanka cayaarta u muuqday mid raaxo leh laakiin waxaa laga daba keenay 3 gool oo danbe taasi oo keentay in uu waaga ku baryo kooxdii man chester aheyd, cayaartii ayaa ku soo dhamaatey 3-3 waqtigii caadiga ahaa kulamada ka dib waxaa lagu darey waqti dheeraad ah, gool ay dhaliyeen kooxda Coventry waxaa mesha ka saarey VAR oo ku tirmaantey mid qalad sidaas eyeyna ku soo dhamaatey cayaarta waqtigii dheeriga lagu darey. ka dibna waxaa la aadey rigooreyaal. Taasi oo ay Manchester united ku soo baxdey ka dib markii ah laba xidig oo ka tirsan kooxda Coventry ay qasaariyeen rigooreyaalkooda sidaas ay United ku faaideysatey oo ay dhaliyeen 4 rigoole oo hal ka qasaartey halka kooxda kalen ay dhaliyeen 3 rigoore oo laba ka qasaarey 5 rigoore ay koox waliba laheyd. Manchester United ayaa finalka la kulmi doonta kooxda ay aad isku neceb yihiin ee Manchester City xilli ciyaareedkii labaad oo xariir ah finalka FA cup iyadoo kooxda Erik Ten Hag doonaaan inay ka aarsadaan guuldaradii xilli ciyaareedkii hore ka soo gaartey City cayaartii FA cupka aheyd.

wixii warar ah ee sportk kala socda halkaan.

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News,

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *