Kulankii la wada sugaayey ayaa maanta ka dhacey garoonka weyn ee Dr Ayub Stadium, kulankaan oo u dhaxeeyey labada kooxood ee FC Baidoa iyo FC Baysom. Wuxuu ahaa cayaar aad u xiiso badan. kulankaan waxaa xiisaha gooni u yeelay maanta ayaa wuxuu ahaa in labada kooxood oo aad isugu dhawaa oo 2 dhibcood kaliya u dhaxeysay. kooxdii maanta midii badiso ayaa qaadi laheyd koobka marka wuxuu ahaa kulan final ah oo labada kooxoodba aan waxba isula soo harin, koox waliba waxey soo bandhigtey awoodooda iyo waxa ugu dambeeyey ay la soo shirtagi kartey dhanka farsamo iyo taatiko, garoonka wuxuu ahaa mid aad u buuxey oo waxaa soo buux dhaafshey dad weyne aad u tiro badan oo kala taageerayey laba kooxood, ayagoo iskaga kala yimid dhamaan xaafadaha iyo degmooyinka gobolka baay. kulanka wuxu ku bilowdey xamaasad aad u kulul oo weerar iyo weerar celis la isku haayey laba kooxoodba waxaan koox waliba ay ku daadaaleysay in aan gool looga hormarin oo daafaca ayey adkeysteen, sidaas daraadeed ma jirin fursad badan oo goolal ah oo cayaartooy weerarka labada koox soo martey. kulankaan ayaa ku soo dhamaadey 0-0 oo la is mari waayey labad kooxoodba wax gool ah lam imaanin. marka waxaa sida caadiga aheyd labadii dhibcood ay hogaanka ku haystay FC Baidoa ku qaadey horyaalka. FC Baidoa ayaa ah ku guuleystayaasha horyaalka koonfur galbeed Somalia 2024. Waxaa kaloo jirey in la bixiyey abaal marino badan taasi oo ay bixiyeen gudiga isboortiga koonfur galbeed somalia, waxaan ka mid ahaa abaal marinada maanta la bixiyey xidigii ugu fiicnaa horyaalka, kaasi oo la gudoon siyeey lacago abaal marin ah. waxaa kale oo kooxdii guuleysatey la gudoon siiyey koobkii horyaalka South west league kaasi oo lagu gudoon siiyey garoonka dhexdiisa. waxaa kaloo la siiyey bilado cayaartooyda laba kooxoodba.

Horyaalkiina maanta ayuu soo gababa gaboobey, wuxuu ahaan kulankii maanta kii ugu dambeeyey xili cayaareedkaan 2024.

Waxaad kala socoteen waa shabakada wararka sports. Footbool.net.

Wargeyska sports footbool.net (6) WhatsApp

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *