Kooxihii reer England ee ka cayaara horyaalka premier league ayaa laga reebey koobkii champions league caawa iyagoo ay soo kala reebeen kooxda reer Spain ee real madrid iyo kooxda kale ee Bayern munich. Kooxda Real Madrid ayaa booskeeda semi-finalka Champions League iska xaadirisay iyadoo rigoore rigoore ku garaacdey kooxda Manchester City. Inkasta oo aan u baahnayn laba daqiiqo oo kaliya goolkii furitaanka isbuuci la soo dhaafay, waxay ahayd 12 daqiiqo markan. Vinicius Junior ayaa abuurey fursad fiican waxaana helay Rodrygo kaasi oo ku garaacey gool hayaha Ederson, kaasi oo sameyey badbaadin qatar ah lakiin kubadii uu soo tufey ayaa hadan waxaa helya markale Rodrigo kaasi oo shabaqa ku hubsadey goolka. Goolkaas uu Rodrygo dhaliyey qeybtii hore ayaa Real Madrid u dhiibey hogaanka cayaarta oo socotey 12 daqiiqo lakiin Kevin De Bruyne ayaa badbaadiyey kooxdiisa daqiiqadii 75 aad ee cayaarta asagoo dhaliyey goolkii bar baraha cayaarta taasi dheereysay cayaarta iyadoo lagu darey waqti dheeriga ahaa ee 30 daqiiqo aanan waxba la iska dhalin ilaa la isla aadey rigoorayaal. Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic ayaa labaduba qasaariyey rigooreyaakii waxaan badbaadiyay labada rigooreba goolhaya real madrid ee Andriy Lunin, oo dabaal degayay habeenkiisi xasuusta ah isagoo Real Madrid u xaqiijiyay guusha ay caawa gaartey. Kooxda Bayern Munich ayaa iyana sii xaqiijisay booskooda Semi-finalka Champions League kadib markii ay garoonka Allianz Arena kaga adkaatay kooxda Arsenal. Kooxda ka dheesha horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich ayaa awood u yeelatay in ay iska sii xaadiriso booskooda semi-finalka Champions League kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen garoonka Allianz Arena ee kooxda Mikel Arteta ee Arsenal. Hal gool oo kaliya ayey u baahatey kooxda Thomas Tuchel goolkaasina waxaa u dhaliyey Joshua Kimmich kaasi oo u xaqiijiyay guulaha Bayern ay ka gaartay tartanka. Arsenal oo loo diiday fursadii ay ku gaari lahyd Semi finalka tartanka ee champions league waxaana lagu qasbey hada in ay xooga saaran ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Arsenal heshay fursad qaali ah daqiiqadii 20-aad ee cayaarka ka dib markii uu gabriel Martinelli uu si aad ah u farsameyey daafaca Bayern isagoo dhex maray, kana soo xaroodey dhinaca midig. Laakin waxaa ka diiday in uu gool ka dhigo kooxda Bayern iyagoo si adag u difaacdey iyagoo ku fal celiyey weerar celis, iyagoo ay kooxda Bundesliga ku dhowaaday inay hogaanka qabtaan, iyadoo Raphael Guerreiro iyo Noussair Mazraoui ay soo jabsadeen dhinaca bidix laakin waxaa ka diiday goolhaya Arsenal David Raya, kaasoo si weyn ugu mahad celin kara daafaca Ben White. Kooxda Arsenal ayaa awoodi weyday in ay la imaado gool uga soo laabato kadib markii ay bayern ay ku qabsatey ciyaarta goolkeeda iyadoo booska semi-finalka Champions League isaka xaadirisey kooxda Bundesliga. Kooxda Arsenal ayaa weeraro badan soo qaadey laakin awoodi waysey in ay ka soo laabato hal gool ee lagu lahaa taasi kooxda Gunners soo afjartey riyooyinkii ay ka lahaayeen horyaalka Yurub ee champions league.

Kooxda Bayern munich waxey la cayaari doontaa kooxda Real madrid semi finalka champions league.

Wixii aqbaar ah oo cayaaraha ku saabsan waxaan kala socon doontaan halkaan 24 saac .

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *