waxaa galabta la cayaarey kulan ka tirsan kulamadii hore oga socdey magaalada baydhabo ee gobolka baay garoonka caalamiga ah ee marti gelinaya koobkaan. Horyaalkan ay cayaaran kooxaha heerka kowaad ee Koonfur galbeed somalia ayaa maraya heer gabo gabo ayaa waxaa la cayaarey kulankiisa 10 aad ee horyaalka galabta. waxaa galabta wada cayaarey kooxda Sheik Asharow iyo kooxda Busley. wuxuu ahaa kulan aad u adag oo ahaa sida final oo kale. waxaan gool ku hormarey kooxda Busley qeybtii hore ee cayaarta laakin waxaa kale gool kale ka daba keenay kooxda Sheik Asharow waxaana lagu kala nastey qeybtii hore ee cayaarta laakin qeybtii dambe ee cayaarta markii la isku soo noqdey cayaarta qebteeda dambe waxaa gool labaad la yimid xidigaha Busley taasi oo ay ku soo dhamaatey cayaartii galabta 2-1 oo ay guusha la hooyatey kooxdii u qalantey kooxda Busley. cayaartan galabta waxaa la bixiyey labo kaar oo gudud ama rozo waxaa kala qaatey labo laacib oo ka kala tirsan laba kooxoodba. roosaha koowaad waxaad qaatey Kabtanka kooxda busley isagoo la yimid af lagaado iyo afshaxumo taasi oo keentay in ay kooxdiisa ku cayaaran 10 laacib inkastoo ay kooxda kale Sh. Asharow laga ganaaxey cayaartoy kale cayaarta oo dhamaad ku dhow. kulanka soo socdey ee maalinta jimacah la cayaari doono hadii ay kooxda wada cayaari doono ay bareejo galaan BCC iyo Baydhabo waxaa kaalinta labaad geli doono kooxda Busley. horyaalkaan waxaa ka dhiman labo kulan oo la kala cayaari doono maalinta beri ah ee khamiista iyo maalinta ku xigta ee jimcaha. waxaan soo tabin doona laba kulan ee harsan iyo kaalimaha kooxaha ay kala galaan iyo abaalmarinad kooxaha ay helaan wararkeena cayaarah ee aad halkaan kala socod doontaan si joogto ah.

halkaan hoose waxaan soo dhigeysa sawiro ah cayaartii maanta iyo jawiga garoonka DR Ayub stadium Baydhoba.

Wargeyska sports footbool.net (7) WhatsApp

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *