Bayer Leverkusen ayaa 5-0 kaga badisay kooxda Werder Bremen, guushaasi oo u xaqiijisey horyaalka ugu horeeyay ee Bundeliga ee dalka Jarmalka Florian Wirtz oo dhaliyay goolalkii ugu horreeyay ee hat trick-ga ah ee kooxdaan halka Xabi Alonso uu u qaadey bayer Leverkusen koobkii ugu horreeyay tan iyo markii ay kooxdu koobka German cup ku guuleysteen 1993-dii. Kooxda Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso ayaa loo caleema saaray horyaalka horyaalka Bundesliga markii ugu horreysay taariikhdeeda. Leverkusen ayaa ka adkaatay kooxda Werder Bremen iyagoo 16 dhibcood ka sareeeyo kooxdii koobkaan iska aruursan jirtey ee Bayern Munich taasi oo qaadey 11mar, 11kii horyaal ee ugu dambeeyay horyaalka Bundesliga, horyaalka maanta ay Leverkusen qaadey wali ma dhaman oo waxaa ka harsan 5 kulan oo la cayaari doono laakin kooxdaan ayaa hada ka sareysa 16 dhibcood kooxda ugu dhow ee Bayern Munich taasi oo la micno hadii la garaaco shanta kulan ee dhiman xitaa hal dhibic bay ku qaateen. Kooxda Alonso ayaa wali ah mid aan laga adkaan dhamaan tartamada oo dhan iyo ku socoda in ay qaadaan sadex koob oo taariikh noqon doono hadii ay kuwada guuleystaan. Kooxda Leverkusen ayaa 2-0 ugu badisay West Ham ka hor ciyaarta lugta labaad ee Europa League khamiistii iyagoona sidoo kale finalka koobka Greman cup kooxda heerka labaad ka dheesha ee Kaiserslautern. Kooxda Alonso ayaa guuldaro la’aanta ah 43 kulan oo ay ciyaareen iyagoo sii dheeraystay rekoorkoodii ugu dheer ee guuldaro la aan ah. Victor Boniface ayaa u dhigey kooxda leverkusen rigoore iyo kaarka ganaaxa daqiiqadii 25-aad kadib markii Julian Malatin uu qalad ku galey Jonas Hofmann isagoo ku jirey diilinta goola, iyadoo garsoore uu ku ka dhigey rigoore ka dib markii uu soo daawaca kamerada garoonka ee VAR. Kabtanka Bayer Leverkusen Granit Xhaka: “Aad iyo aad ayey u adag tahay in ereyada saxda ah la helo oo lagu qeexo dareenkeena ciyaarta ka dib. Waxaanu samaynay wax sanadkan waa wax aan caadi ahey oo ah wax khaas ah. Si aan u guuleysano sadexdii maalmood ee kasto oo sidan oo kale ah, iyadoo ay jirto baahi aan u qabno guuleysiga iyo diirada tani, maskaxda in ay ku guuleysato ciyaar walba waa mid aan la rumaysan karin. Laakiin maanta, annaga oo wada jir ah, ciyaartoyda, shaqaalaha, dadka maamulka kooxda, taageerayaasha – taariikh ayaan qoreynay sanado aad u fara badan oo aad u fara badan, sanado badan ka dib. In koobkan la keeno Leverkusen waa mid aan la rumaysan karin waxayna iga dhigaysaa inaan ku faano kooxda oo aan ku faano in aan halkaan joogo oo aan ku faano si aan khibradeyda wax uga caawiyo. Furaha kooxdan waa gaajo oo ay u qabaan koobab, sida aan shaqada u qabano maalinba maalinta ka dambeysa waa wax aan la rumaysan karin. Hal mar ayaan muujinay, xitaa inagoo ay 16 dhibcood ka hormareyno kooxda kaalinta labaad oo ah in maanta la joogo aan qaadney horyaalka.

wixii warar ah ee sports ee horyaalada yurub kala socda halkaan.

Sky Sports – Sports News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *