Kooxda Arsenal ayaa iska qasaarisey fursadii ay amaanta si rasmi ah ugula wareegi laheyd horyaalka Premier League, iyagaoo 2-0 lagu garaacey galabta oo ayna ku garaacdey kooxda aston Villa, iyagoo waliba joogey garoonkoodi Emirates Stadium. Gunners fursada ka qasaartey maanta waxey aheyd ayadoo Liverpool 1-0 looga adkaatay oo ay ka adkaatey kooxda Crystal Palace maanta ayaa Arsenal u aheyd fursad oo hadii ay badin lahaayen ay hogaanka ku qaban lahayeen, laakiin goolal ay ka dhaliyeen Leon Bailey iyo Ollie Watkins ayaa xaqiijiyay in ay ku sii jiraan kaalinta labaad iyado lagu sii socdo dhamaadka xili cayaareedkan oo ay ka harsan tahay wax ka yer lixdii asbuuc ee ugu dambeeyey xili cayaareenkaan 2023/24. Kooxda Manchester City ayaa haatan ku jirta kaalinta koowaad, ama ah hogaamiyeyaalka premier league iyagoo ah kooxda ugu miisaanka culus ee loo saadaalinaayo in ay ku guulaystaan horyaalkaan kaasi oo noqon doono horyaalkii afaraad oo xiriir ah kaasi oo ah rikoor cusub oo ay dhigi doonaan. Arsenal ayaa ku talo gashey in guul gaaran si ay u qabtaan hogaaanka ayaa macalinka kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa doortay inuu safka soo galo weerar aad u xoogan isagoo Kai Havertz ka cayaarsiiyey qadka dhexe halka uu Leandro Trossard iyo Gabriel Jesus lagu soo darey sadexda ciyaartooy ee afk hore ka weerar tama, dhanka kale , Kooxda Liverpool ayaa dhabar jab wayn kala kulantay rajadooda horyaalka Premier League, iyadoo kooxda Crystal Palace ay 1-0 kaga adkaatay garoonka Anfield. Reds-ka ayaa iska lumiyey fursaddii ay kusoo laaban lahaayeen booska kowaad maadaama uu goolkii hore ee Eberechi Ezeze u dhaliyey goolka ay kooxdiisa martida aheyd oo dhiibey hogaanka cayaarta ka dibna ay si adag u dagaalameen in ay ilaashadaan shabaqooda iyagoo gaarey guul u qalmeen. Kooxda Jurgen Klopp ayaa haatan u baahan in ay dib ugu soo noqdaan wada guusha si ay meel u saaran Arsenal iyo Manchester City una qaatan fursad kasta oo ay ku qaadi karaan horyaalkaan oo muhiimad gaar ah u leh macalinkooda haatan ka tagaya. Wararka kooxda ka soo baxey cayaarta ka hor oo u muuqday mid dhiirrigelin weyn leh ayaa ahaa in cayaartoy badan oo dhaawac ahaa ay u soo noqdeen Liverpool waxaana ugu horeeyey goolhayaha koowaad ee kooxda Alisson Becker kaasi oo ku soo noqdey safka kooxda. Lakiin soo laabashada goolhaye heer caalami aheyd ayaan waxba soo kordin isagaa shoot xorta ah meel u jitey 18 yard gool si fudud loo dhaliyey ka dib markii ay isu soo taabtey cayaaryahan Tyrick Mitchell ka dibna j uu Eze ka helay meel banaan ka dibna si fudud u dhameystirey daqiiqadii 14naad ee cayaarta. iyadoo ay ahayd markii 21aad ee xilli ciyaareedkan ay Reds gool looga horymaro cayaarta waxaana laga sugaayey in jawaab adag in ay ka bixiyaan sida looga bartey lagana sugaayey loogana bartey in ay nadiijada cayaarta dhanka kale u rogto laakin maanta waa laga diidey oo goolkii looga hormarey unbaa loogu dhameeyey.Inkastoo fursado badan laga diiday Salah iyo Dias oo uu ka diiday goolhaye Dean Henderson kaasi oo sameeyey badbaadino aad u fiican galabta una horseeday in ay ka soo qaataan sadexda dhibcood garoonkii anfield ahaa oo ay liverpool ku aheyd diiqa.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *