Tottenham ayaa sare u qaaday raadinta laacib khadka dhexe ka cayaaro oo cusub iyagoo weli xiiseynaayo Conor Gallagher oo ka tirsan kooxda chelsea. Tottenham ayaa doonaysa in ay xagaagan la soo saxiixato khadka dhexe iyo waliba xiddigo garabka ka ciyaara iyo weeraryahanka, waxaana ku jira liiska ay doonayaan xiddigo waa weyn oo qaali ah lacag badan ugu kici doono.                                                         Tottenham Hotspur ayaa wali xiiseyneysa saxiixa Conor Gallagher oo ka tirsan Chelsea laakiin sidoo kale waxay ka rabaan xidigo kale oo qadka dhexe ah ka hor xagaaga.   Qandaraaska Gallagher ee haatan Stamford Bridge wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2024/25. Waxaa u furan xidigaan in uu goaan ka gaaro mustaqbalkiisa wixii ka dambeeyo xagaaga soo socda. inkastoo ay kooxda chelsea u fiican tahay iibinta xidigo akadeemiyadooda ka soo baxey taasi oo yaraynaysaa culeyska ka saaran dhanka dhaqaalo wanaaga kooxaha Premiel league, hadana lama oga in ay ka maarmi karaan xidigaan oo haatan muhiim u ah kooxda iyo macalinkaa, wali ma gaarin wax  go'aan oo ku saabsan xidigaan ilaa xagaaga.
Haddii Chelsea ay iibineyso Gallagher, waxey ku raadin doonaan lacag dhan 55 milyan ginni ee aheyd ti Mason Mount kaga iibiyeen kooxda Manchester United sannadkii hore.
kooxda Spurs ayaa si kastaba ha ahaatee, waxay ciyaaryahanka khadka dhexe ku qiimeyeen inta u dhaxaysa £35m iyo £40m, qiimahaan ay horey ugu gaareen xidigaan in ay ka bixiyaan Gallagher xagaagii hore wali wax kuma hordhin oo horumar kama sameynin suuqii la soo dhaafey ee January.
Dhibaatada Tottenham xagaagan ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay fududeyso heshiis qiimo sare leh in ay kula soo wareegaan Gallagher iyo sidoo kale inay rajeyneyso inay iska xoojiso boosas kale sida weerarka iyo garbaha. Marka laga soo tago Gallagher, Tottenham waxay raadinayaan ciyaartoy kale oo khadka dhexe ah, oo uu ku jiro xiddiga reer Brazil Joao Gomes ee jooga Wolves. 23-sano jirkaan oo dhawaan lala xiriirinayay kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa dhaliyey labo gool oo ay guusha ku raacday kulankii ay Wolves 2-1 kaga badisay Spurs bishii February.
Waxey kaloo doonayaan cayaaryahanka Leicester City Kiernan Dewsbury, isagoo sidoo kale xiiso u qaba Tottenham waxaana lagu heli karaa 25 milyan ginni haddii ay ku guuldareystaan ​​inay dib ugu soo laabtaan Premier League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Leicester ayaa hore Dewsbury-Hall ugu qiimaysay 45 milyan oo gini waxayna diiday dalab 20 milyan ah oo ay Brighton & Hove Albion ka gudbisay bishii January. Laakin iyada oo Leicester ay wajaheyso dhibco laga jari karo sababa la xiriira jebinta sharciga dhaqaalo wanaaga, waxa laga yaabaa in ay ogolaadan in ka yar £40m haddii ay u soo gubdaan premierleague. Tottenham ayaa sidoo kale ku dadaaleysa in ay xagaagan keento ciyaaryahan kale oo garabka ka ciyaara. Waxay haystaan ​​ikhtiyaarka ah inay amaahda Timo Werner uga soo dhaqaaqaan RB Leipzig si joogto ah ku dhawaad ​​​​£ 15m, Werner wuu ku faraxsanaan lahaa inuu sii joogo.

Pedro Neto oo Wolves ka tirsan ayaa sidoo kale Spurs aad ula dhacsan, in kasta oo qiimihiisu 80 milyan ginni ay muujin karto mid aan suurto gal aheyn.

https://www.90min.com/ https://www.footbool.net/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *