Waxaa si hamsi ah uga furmay magaalada caasimada ah ee Baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed somalia, horyaalkan oo halkaas ka socdey ka hor inta aan la aadin fasaxii bishii barakeysneyd ee ramadaanka oo aheyd bil cibaado oo cayaaraha dhan la joojiyey, hada ayuu markale dib oga furmey horyaalka South west league kooxahiisa heerka kowaad magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wuxuu si qurux badan ofa bilaamey maalintii shaley ahed garoonka weyn ee Dr Ayuub stadium kaasi oo ahaa garoonka marti gelinaayey cayaarahaan intooda badan. waa garoon aad u weyn aadna u dayactiran oo dhawaan gacanta laga qaadey dib u habeyntiisa.

horyaalka maanta dib u furmey waxaa lagu furey kooxaha kala ah fc Horseed iyo xidigaha busley waxeyna aheyd cayaar aad u xiiso badneyd oo kooxaha ay dib habeyn badan isku soo sameeyen ayagoo qaarkood cayaartey horey dhaawac oga haa dib ugu soo noqden halka qaar kale oo badana ay heleen nasiinyo jireed intii lagu guda jirey fasaxii bishii barakeysneyd. waxey aheyd cayaar ka taageero badan kuwii hore oo dad weyne badan ayaa soo xaadirey garoonka kuwaas iska kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada bay ay ka kooban tahey. cayaarta waxaa la dhaliyey 8 gool labada kooxoodba waa cayaar ay dhasheen goolashii ugu badnaa waxayna kala dhaliyeen Horseed oo dhalisey 3 gool halka Xidigaha busley ay dhalisey 5 gool taasi oo cayaarta ku soo dhamaatey 3-5 oo ay guusha ku raacdey kooxdii aheyd xidigaha busley. Inkastoo ay dadaashey kooxda horseed oo ay la timid sadex gool, dhanka weerarkooda aad ayuu u fiicnaa laakin waxey ka liiteen dhanka difaaca oo ay difaacan waayen goolkooda taasi oo sababtey in 5 gool lagu xaaqo oo dhibcihiiga meesha looga qaato. dhanka kale xidigah busley waxaa ka muuqatey is bedel weyn, qaab cayaareed cajiib ah ayey garoonka la soo galeen taasi oo ku dhisneyd kubada weerar ah taasi oo u suura gelisey in ay dhaliyaan ilaa 5 gool oona ka awood bataan kooxdii ka soo horjeeday.

Waxaa horyaalka hada lagu soo kordhiyey aadlad cusub oo dhanka garsoorka ah taasi oo wax badan ka bedeleysa qaabka ay u wada xariiri jireen afarta garsoore ee cayaarta garsoorta, qalabkaan cusub waa qalab loogu tala galey in ay ku wada xariiraan garsoorayaasha cayaarta inta ay cayaarta socoto oo ay garsoorayaan horey uma haysan qalabka noocan ah oo ay kuwada xariiran garsoorka kubada cagta koonfur galbeed. waxaana aad u soo dhaweeyey gudiga garsoorka iyo kan xariirka kubada cagta koonfur galbeen ee Somaliya, waxaa kaloo soo dhaweeyey cayaartoyda kooxaha iyo dad weynaha xiiseeyo isboortiska waxeyna sheegeen in ay kor u qaadi doonto qalabkaan tayada cayaar wanaaga oo ay yaraan doonto qaladaadka mar mar ka dhaco dhanka garsoorka.

Wixii ku saabsan horyaalkan iyo kulamada la cayaari doono waxaad kala socon doontaan webkeena

Wargeyska sports footbool.net (6) WhatsApp

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *