Barcelona ayaa u ciyaartey si cajiid caadi oo bandhiga wanaagsan leh kulan ka tirsan kulamda champions League iyagoo ku hogaamisay hal gool, waxayna lugta la sii gashay lugtii labaad ee wareega quarter-finalka iyadoo la cayaari doono lugta labaad isbuuca soo socda oo ay Paris Saint-Germain. soo booqan doonaan Camp nou. Kooxda ka dhisan horyaalka Faransiiska oo lagu qarash gareeyo lacago aad u badan ayaa inta badan ku fashilma koobkaan champions league iyo kooxaha ugu waa weyn europ markey ka horyimaadan, waxaa tusaale u ah kulankii caawa oo ugu dambeyntii guuldaro 3-2 ah lagu dhadhan siiyey gurigooda. Kooxda dada yar u badan ee Xavi ayaa qabtay shaqo muhiim ah waxayna la soo hooydeen guul ay u qalmeen in ay ku soo gaaraan garoon kooxda PSG Parc des Princes habeenkii caawa ahaa. kulanka ugu weyn ugu muhiimsan waan kan Camp nou oo PSG ku imaan doono nolol iyo geeri oo ay rabto in ay ku soo aarsado halka ay barca rabto in ay wax ku tusto kooxdaan garoonka weyn ee Barcelona iyo taageerayaashooda faraha badan hortooda. waxaan la fahansan yahey in PSG ay wax badan ka oo bedeli doonto waxa ka qaldamey cayaartii caawa ay ku imaan doonaan qaab ka fiican kii caawa, waxeyna noqon doontaa cayaar aad u xiiiso badan in la daawado.

waxaa kaloo afka ciida loo darey kooxdii reer german ee Borussia dortmont waxaan looga adkaadey 2-1 oo ay ku adkaatey kooxda reer spain ee Atletico Madrid taasi oo guul kale u ah reer spain iyagoo lugta la sii galey quwater finalka champions league. inkastoo ay booqan doonaan guriga Borussia talaadada soo socota ay la kulmi doonaan cayaarta tiii caawa ka adag hadana markasta rajadooda ma liitado waayo waxey haystaan guul oo waxey kaliya u baahan yihiin bareejo. laakin kooxda howsha badan u taalo waa Borussia taasi oo laga rabo in ay badiso si ay ugu soo baxdo wareegan wayna aboodaan in ay natiijo fiican ka keenaan kulanka soo socda oo ay joogan gurigooda laakin Atletico kama yeeli doonto in ay sidaas dhacdo oo waxey ku dagaalami doonaan cidiyaha.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *