Kooxda heysata horyaalka ee man city ayaa gool looga naxsadey markii ay cayaarta seddex daqiiqo socotey, inkastoo ay sameysay dadaal dheer  iyagoo uga mahadcelineysa dadaalkii cajiibka ahaa ee xidigooda Kevin De Bruyne,asagoo u dhaliyey goolkii bareejada daqiiqadii 13aad ee cayaarta.Si kastaba ha ahaatee, kooxdii Guardiola ee qaybta nasashada ka dib ayaa si fiican usu soo abaabushey iyagoo oo Man City ay la soo baxdey qaab ciyaareed cajib ah ka dib nasashada,waxeyna sababtey qaab cayaareedkaas labo gool oo deg deg oo ay u kala dhaliyeen Rico Lewis, Erling Haaland iyo De Bruyne ayaa markale dhaliyey goolkiisa labaad taasi oo u xaqiijisey saddex dhibcood dhamaadkii.
Natiijadani waxay culayska ku sii badineysaa kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo ku jira tartanka horyaalka Premier League,Ayadoo city ay ku jirto kaalinta sadexaad oo ay leedahay 70 halka ay liverpool siman yihiin inkastoo liverpool ay berito la cayaari doonto Man United halka ay Arsenalna hogaanka ku hayso 1 dhibic ayadoo leh 71.Guardiola uu sidoo kale awooday inuu nasiyo siiyo ciyaartoyda sida Phil Foden iyo Bernardo Silva.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xiddigihii ugu wacnaa iyo kuwii ugu xumaa ee Man City ka soo hooyeen guushii ay ka gaadheen Eagles. Goolka furitaanka ee De Bruyne ayaa ahaa mid qurux badan oo saafi ah, wuxuuna kubbada si xamaasad leh oo sax ah u soo tuuray Dean Henderson. Waxa uu ahaa gool barbardhac muhiim ah kooxda martida ah ka dib bilow adag, waxaana uu sido kale dhaliyey gool kale ciyaarta ka dib nasashada.
Kubbad uu si fiican u soo tuuray oo birta u dhawaa ayaa City ku abuurtay goolka saddexaad iyo goolkii ugu danbayn ciyaarta ku dilay, halka uu ku sii daray shuut cag bidix ah daqiiqado ka dib wuxuu ahaa Bandhig kale oo heer sare ah oo ka yimid 32-jirkaan u dhashey dalba Belguimka.
Da’yarka ayaa magaciisa ku soo baxay shabaqa Man City markii ugu horaysay garoonka Selhurst Park wax yar ka dib markii la isku soo laabtay, laakiin saameyntiisa ciyaarta oo dhan waa mid cajiib ah. Isagoo u ciyaarayay qayb ka mid ah qaybta khadka dhexe, Lewis waxa uu sameeyay orod cajiib ah oo soo daahay oo uu galay seddexaad ee ugu dambeeya, waxaana uu si fiican u ciyaarayay ciyaartiisa isku xidhka ee dhanka midig.
Rico Lewis: Da'yarku wuxuu u muuqdaa mid ku raaxaysanaya kubbadda cagta, waxaana wax aan la ilaawin sida in aad u ahaatid mid tayo sare leh si aad uga mid noqoto mid ka mid xidigaha uu soo xusho macalinka kooxda ee Guardiola. Josko Gvardiol ayaa ahaa xidigii ugu liitey cayaartii maanta, Laacibka reer Croatia ayaa u ciyaaray sidii daafaca dhexe ee bidix ee seddexda, waxaana inta badan loo xilsaaray inuu kubada ka wado hore si uu u abuuro fursado badan, wax uu ku sameeyay ma jirin oo guul u keeney.


https://www.footbool.net/ https://www.90min.com/

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *