Tottenham 2-1 Luton: Tottenham oo cayaar soo laabasho leh ku badisey galabta ayagoo gool looga naxsadey qerbtii hore ee cayaarta waxaan goolka u dhaliye kooxda luton laacibkii hore ee manchester united T.chong daqiiqadii 3aad ee cayaarta. laakin qeytii dambe ee cayaarta ayaa waxaa gool iska dhaliyey laacib ka tirsan kooxda luton lagu magaaco Kabore daqiiqadii 51aad taasi oo cayaarta ka dhigtey 1-1 ka dibna Son ayaa Tottenham u dhaliyey goolka guusha daqiiqadii 62aad. cayaarta oo ku soo dhamaatey 2-1 oo tottenham guusha ku raacdey. Chelsea 2-2 Burnley: waxey aheyd cayaar cajiib eh oo la bixiyey labo kaar oo guduud ah ayadoo ay qaaten xidiga u cayaaro Burnley ee lagu magacaabo Assignon iyo tabaraha kooxda Company daqiiqadii 40aad iyo 43aad ka dib Chelsea ayaa la timid gool oo uu dhaliyey Palmer oo rigoore ahaa taasi oo chelsea hogaanka ku qabatey cayaarta.Qeybtii dambe ee cayaarta ayaa Burnley la timaadey goolkii bareejada oo uu dhaliyey xidigooda J.cullen. hadana chelsea ayaa la timid gool kale oo uu dhaliyey laacibkooda Palmer laakin waxaa ka diiday kooxda Burnley oo ka daba keentay markale goolkii bareejada daqiiqadii 81aad cayaarta oo ku soo dhamaatey 2-2. Newcastle 4-3 West Ham: waxey aheyd cayaar kale oo xiiso leh Newcastel ayaa gool ku hormartey taasi oo uu dhaliyey Isak daqiiqadii 6aad laakin waxaa soo bareejeysay kooxdii Westaham daqiiqadii 21aad ee cayaarta hadana waxaa ugu sii dartey gool labaad waxaan u dhaliyey Kudus dhamaadka qeybtii hore, hadan waxaa goolkii sadexaad dhaliyey westham qeybtii lahaad ee cayaarta cayaarta oo ah 3-1 oo ay hogaanka ku dheeraysatey west hamn ayaa waxaa rigore dhaliyey Isak oo ka dhigey 3-2 laakin daqiiqado ka dib waxaa laba gool dhaliyey oo deg deg ah cayaaryahan Barnes kaasi oo rogey natiijadii cayaarta kana dhigey 3-4 oo cayaarta si cajiib ah guusha ku raacdy Newcastel. Aston villa 2-0 Wolves: kooxda aston villa oo si fudud ku soo dardartey kooxdii Wolves, waxaan goolkii kowaad ay dhaliyeen cayaarta daqiiqadii 36aad ee qeybtii hore waxan u dhaliyey Diaby, sidaas ayaa lagu kala nastey qeybtii hore, waxaan goolkii 2aad ee cayaarta dhaliyey kooxda Aston villa oo hogaanka sii dheereysatey waxey ku soo dhamaatey 2-0 oo guusha ku raacdey Aston villa. Bredfort 1-1 Manchester United: waxey aheyd kulankii ugu adkaa ee maanta dhacey kooxda Brendfort oo fursado badan qasaarisey ayagoo biraha goolka United garaacey, laakin cayaarta ayaan wax gool ah la iska dhalin waqtigii caadiga ee cayaarta labada qeyba , waxey ku soo dhamaatey 0-0 90kii daqiiqadood laakin waqtigii dheeriga ee cayaarta lagu darey ayey United la imaatey gool kaasi oo uu dhaliyey xidigooda dhaawaca ka soo kacey ee Mount daqiiqadii 95aad ee cayaarta ka dib dabaal dagii United waxaa ka dambeeyey weerar ay soo qaadeen kooxda Brendfort ayaa dhaliyey gool in ka yar labo daqiiqadood goolkii bareejada daqiiqadii 97aad ee cayaarta taasi oo meesha ka saartey dabaal dagii United waxey ceshan difaacan waayeen goolkoodi guusha 4 daqiiqo oo kaliya oo ka dhineed cayaarta waxaan lala qeyb sadey dhibcihii ayaagoo min 1 dhibic la hooydey kulankii caawa ee ka dhacey gurigii Brendfort United. waxeyna tani niyad jab ku sii noqoneysaa rajadoodi Manchest united ee aheyd iney ku soo baxaan kaalinta afaraad ee horyaalka si ay u cayaaraan champions league sanadka soo socda.

Football News, Transfer News,Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *