Tababaraha kooxda Bayer Leverkusen Xabi Alonso ayaa xaqiijiyay inuu sii joogi doono kooxda uu haatan hayo wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedkaan. Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich ayaa labaduba doonaya Alonso oo ahaa bartilmaameedkeeda ugu sareeya ee tababarenimo iyagoo ay tagayaan macalimiinta kala ah Jurgen Klopp iyo Thomas Tuchel xagaagan, laakiin Khamiistii shaley ayay soo shaac baxday in Alonso uu diiday u wareegga labada kooxood. Alonso oo warbaahinta la hadlayay 24-saac kaddib, Alonso wuxuu xaqiijiyey go’aanka uu ku doonayo inuu sii wato shaqadiisa tababarenimo ee Bayer leverkusen. “Waxey aheyd xilli ay soo baxayaan warar badan oo ku saabsanaa mustaqbalkeyga,” ayuu ku billabay hadalkiisa “Waxaan doonayay in aan fasaxa cayaarah caalamiga ah u qaado waqti aan uga fikiro oo aan go’aan uga qaato mustaqbalkeyga. “Isbuucii hore, waxaan kulan la yeeshay Simon [Rolfes] iyo Fernando [Carro] markii aan ku wargeliyay go’aankayga ah inuu sii ahaado macalinka bayer Leverkusen. Go’aannada oo dhammi, waa in aad si fiican uga fikirtaa . Waxaan isku dayaa in aan qaato go aanka saxda ah. Waxaan rabaa in aan u qaado go aanada aan dareemayo inay ku yimaadaan si dabiici ah, xiligan xaadirka ahna, waxaan dareemayaa in tani ay tahay meesha igu habboon ee rabo in aan joogo, si aan ugu hormariyo tababarenimadeyda – anigu waxaan ahay tababare da’yar, laakin waa inaan dareemaa, haddana waxaan dareemayaa inay tani tahay meeshii saxda ahayd.” Aniga ma ahan inaan ka hadlo kooxaha kale iyo xaalladaha ay ku sugan yihiin,” ayuu yiri Alonso oo si toos ah wax looga weydiiyay xiisaha liverpool iyo Bayern. “Dhab ahaantii, iyagu waa kooxo aan xiriir adag la leeyahay. Halkaas ayaan ku ciyaaray, waan ixtiraamaa iyaga, laakin ma ahan wax sax ah inaan ka hadlo iminka.” Alonso, oo qandaraaskiisa Bayer la filayo inuu dhamaanayo ilaa iyo 2026, iyadoo warar kale soo baxayaan ee shegaya in dooneyso kooxdiisii hore ee Real Madrid, sanadka 2025 haddii Carlo Ancelotti uu ka tago Santiago Bernabow.

Alonso ayaa qoslay markii wax laga waydiiyay xaaladda qandaraaskiisa. “Laakin hubaal, waxa aan rabaa in aan halkaan sii joogo waa aan ku raaxaystaa halkan aan joogo iyo shaqada aan halkaan ka haayo Leverkusen.” Dhanka Bayern iyo Liverpool, labada naadi waxay muddo dheer ku howlanaayeen sidii ay u ogaan lahaayeen bartilmaameedyada kale ee suurtagalka ah, waxaana ay hada kor u qaadi doonaan eryadyada tababareyaasha kale ka hor xagaaga kaas oo sidoo kale waxaa la arki doona in Barcelona oo ayagana ugaarsi ugu jiro tababare cusub hadii uu Xavi ka tago. Ruben Amorim oo ah tabaraha kooxda kubada cagta ee Sporting CP ayaa si weyn loola xiriirinayey kooxda Liverpool, halka tabobaraha kooxda Brighton & Hove Albion ee Roberto De Zerbi la sheegay in uu yahay bartilmaameed labada kooxood.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *