Newcastle ayaa qorsheyneysa inay iska iibiso Isak xagaagan si ay uga badbaado sharciga la xariira dhanka maaliyadeed ee Premier League. Laacibka reer Sweden oo lala xiriirinaayo inuu lacag badan ugu dhaqaaqo kooxda Arsenal.24-jirkaan oo doonaya in uu diiradda u sii saaro newcastle sida uu sheegay warbaahinta maanta laakin wuxuu dhahey wax kasta waa macquul iney dhacaan. Kooxda New castel ayaa rabta inay dhowr xiddigood oo sare iska iibiso xagaagan si ay uga fogaadaan inay hoos u dhacaan qawaaniinta dhaqaalaha Premier League, iyadoo kooxda rabto in ay iibiyaan Isak iyo laacibka khadka dhexe ee Bruno Guimaraes ay labaduba si weyn loola xiriirinayo inay u dhaqaaqaan kooxo waaweyn oo Yurub ah. Dhawaanahan warar badan oo ku saabsan Isak ayaa soo baxaya kuwaas oo ay suurta gal tahay inuu ugu dhaqaaqo kooxda Arsenal, ayaga oo diyaar u ah inay lacag badan ku qarash gareeyaan laacibkaan weyn xagaagan. Isak oo wax laga weydiiyay malo-awaalkan, ayaa ku adkeystay in diiradda uu u saaran yahay Newcastle balse wuxuu qiray inuusan qiyaasi karin waxa uu suuqa kala iibsiga xagaaga dhici doono. “wax yaabahaas anigu saameyn iguma lahan,” ayuu u sheegay warbaahinta. “Marar badan ayaan arkaa ayagoo iga hadlaayo meelo badan, Waxaan u arkaa kaliya inay tahay mala-awaal iyo wararka xanta ee suuqa kala iibsiga oo ay warbaahinta ka shaqeysato. “Qof walbo wuu ogyahay in xagaaga uu soo socdo oo suuqana furmi doono, haddii ay waxyaabo soo baxaanna wax waa dhici karaan, laakin runtii xitaa kama fikiraayo hada.

Hal shay oo Iaacibkaan ku noqon karo xujo xagaagan waa qaliinka lagu sameeyay doono dhaawaca xabadka. Warbixino laga helayo Ingiriiska ayaa sheegaya in 24-jirkaan uu u baahanyahay inuu galo qaliib dhamaadka xilli ciyaareedkan, laakiin Isak ayaa warkaas ku tilmaamey wax aan sal iyo raad laheyn waxay ahayd war la yaab leh, dhab ahaantii,” ayuu yiri. “Ma xasuusto qofka uu ka yimid, laakin ma jirin qof caqli ku filan leh oo waxan oo kale sheegi karo ma jirin. Sidaas darteed, taasi run ma ahan. xaalkeena koox ahaan ayaa aad u adkeyd dhaawacyo badan oo cayaartooyda ah ayaan qabney mana haysan ciyaartoy badan oo taam ah. Mararka qaar waxaan ka soo laabtay dhaawac waxaana ku qasbanaaday inaan ciyaaro seddex kulan hal isbuuc gudihiis. Sidoo kale si fiican ma ahan. Isla markaana, waxaan soo marnay kulano muhiim ah iyo xilli ciyaareed muhiim ah. Xili cayaareedkaan aad ayuu inoogu adkaa, dhaawacyo badan oo isku dhow dhow ayaa kooxda haleeley. Xidigo badan oo kooxda muhiim u ahaa ayaa halmar wada dhaawacmey sababtaas darteed ayey kooxda hoos u dhac weyn ku sameysay oo aan oga harney koobab badan kii horyaalkana meel dhexe kaga jirnaa. Dad yar ayaa og in ay nagu dhacdey nasiib daradaas laakin ma qirsana sababaha aan si fiican ugu cayaarin koox ahaan.

Laacibka Newcastle United Alexander Isak ayaa ku adkeysanaya in uusan wali wax fakar ku heyn wararka ku aadan in ay xiiseynayaan Arsenal iyo kooxaha kale ee premier league ugu awooda badan europe. Laacibkaan oo ah gool dhaliye halis badan oo aadna u anfaci lahaa Arsenal oo ka liita booskaas ayaa waxey rabtaa in xagaagaan xoogeeda isugu geyso soo qaadashadiisa maadama ay New castel rabto in ay dhinto qarashaadkii ay galeen sidaas daraadeed ay xidigo waa weyn iibin doonaan.

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *