Xulka England ayaa caawa bareejo 2-2 ah kula galey xulka dalka Belgium cayaartaan oo ay ku ciyaareen garoonka weyn ee Wembley.
Youri Tielemans ayaa laba gool dhalisay qeybtii hore kadib qaladaadkii ay xulka England sameeyeen laakin Jude Bellingham oo dhaliyey gool soo daahay ayaa ka caawiyay Three Lions inay ka fogaadaan guuldarooyin is xigay oo gurigooda ah. Jude Bellingham ayaa daqiiqadii 95aad dhaliyey goolka barbarad ah oo ay Xulka England 2-2 kula galeen Xulka Belgium ciyaar saaxiibtinimo oo caalami ah oo dhacey caawa Talaadada ahayd. Youri Tielemans ayaa iska cadeeyay in uu ahaa qodaxda ku dhex jirtey ciyaartay kooxda England qeybtii hore ee cayaarta Wembley, iyadoo laacibka qadka dhexe ee kooxda Aston Villa uu gool gool ka dhaliyay ka dib dhowr qaladaad oo difaacyada England sameeyeen ah si uu meesha oga saaro goolkii rigoorada ahaa ee Ivan Toney dhaliyey daqiiqadii 17-aad ee cayaarta. England ayaa cadaadis badan saartey qeybtii dambe ee cayaarta xulka Belgiumka ilaa dhamadka cayaarta maadaama ay ciyaartu ku dhoweed in ay dhamaato oo ku dhamaato 2-1 waxaana ugu dambeyntii lagu abaal mariyay laadkii ugu dambeeyey ee ciyaarta, Bellingham oo kubad qurux badan oo shoot ah ku riday goolka Belgiumka gudaha gudaha u dhigey taasi oo barbaro u xaqiijiso kooxda Gareth Southgate. England ayaa dooneysay inay dib uga soo kabsato guuldarada 1-0 ee niyad jabka ah oo ay kaga badisay Brazil dhammaadkii todobaadkan laakiin waxay si lama filaan ah ugu bilaabatay cayaartii Wembley 11 daqiiqo ayey ku qaadatay in Belgium-ku ay hogaanka ciyaarta kula wareegan gudaha London, waxaana uu ahaa Jordan Pickford oo eed ku lahaa oo khalad uu sameeyey iyadoo gool-dhayaha Everton uu si xun u bixiyey kubad qaabeysan oo uu soo sameeyeen Tielemans. Si kastaba ha ahaatee xulka England ayaa si dhaqso ah jawaab u bixiyay kadib markii Toney uu Jan Vertonghen ku ridey aaga ganaaxa ka dibna lagu abaal mariyey rigoore ama gool ku laad, iyadoo laacibka Brentford uu si qabow u badalay rigooradii taasi oo barbaro u keenay xulkiisa. Gareth Southgate kooxdiisa waxey heleen gool kale oo koonta laga soo qaadey kaasi oo uu maxada ku dhaliyey Jarrod Bowen laakiin goolkaasi ugu dambeyn waxaa meesha ka saaray VAR oo diiday in uu gool sax ah yahey. Xulka England ayaa u muuqatay inay ahayd koox aad uga cajiib badan tan iyo markii uu Toney rigoorihii ganaaxa ahaa, laakiin qalad kale oo khadka dambe ah ayaa belgium u ogolaaday in ay hogaanka qabsato ka hor inta aan nasashada la gaarin. Dunk wuxuu ku guuldareystey inuu si sax ah u nadiifiyo kadib kubad dheer oo uu ka danbeeyo khadka dambe ee martida, iyadoo Romelu Lukaku uu kubbada xadey oo uu goostay Tielemans si uu u helo goolkiisii labaad ee ciyaarta isaga oo si quruxan sameeyey goolna kal dhaliyey mar labaad xulka England. Kubadda ayaa daqiiqadii 95 shanaad ee waqtiga dhamaadka cayaarta ayaa kooxda england oo qaadey weerarkoodi ugu dambeeyey iyadoo Berlinghum soo qaadey isku deygiisii ugu dambeeyey kaasi oo gool aad u cajiib badan ka dhaliyey fursadii uu helay ee kubada ugu dambeysey inta aan la dhawaajin firinbiga joojinta seko ka hor.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *