Harry Kane, Kyle Walker, Sam Johnstone iyo Harry Maguire ayaa dhaawacyo kala yimid kooxahooda tan iyo ciyaartii Brazil; 15 cayaartooy oo line ka joogtada ah ma heysano, Declan Rice oo noqon doono kabtanka kooxda england ee ka hortageysa Belgium. Gareth Southgate ayaa sheegay in uusan waligiis la kulmin wax la mid ah dhibaatada dhaawaca ee xulka England ay hadda ku sugan yihiin, iyadoo qorshihiisa uu ku doonayo in ay Talaadada ciyaarta saaxiibtinimo ee xulka Belgium-ka ay la kulmaan laacibiin dheeri oo ah kooxda keyda ayaa cayaari doono. Labada kulan ee bishaan la qorsheeyey in lala cayaaro Brazil iyo Belgium-ka waxaa loogu tala galay in uu noqdo tijaabo adag oo xulka England ay ku doonayaan in ay isku diyaariyaan Euro 2024 laakiin taa beddelkeeda Southgate ayaa hadda tirin kara 15 ciyaaryahan oo joogto ah oo aan ka heli karin isaga oo dhaawac awadiisa uga maqan shaxdiisa kulamadan. kuwani waxay ku jiraan liiska dhaawacyada ku maqan waxey kala yihiin Nick Pope, Kieran Trippier, Luke Shaw, Reece James, Marc Guehi, Levi Colwill, Tyrone Mings, Trent Alexander-Arnold, Jack Grealish iyo Callum Wilson. tirada guud ee xulka England safkoodi hore ee line upka ka dhaawacan waa 15 xidig. Waa tiro cajiib ah cayaartooyda aan nasiib u yeelan in aan noo cayaaraan ,” ayuu Southgate ku yiri shirkiisii jaraa’id ee ciyaaraha ka hor uu qabtey maanta. “Taas hore uma aanan soo arag. laakin waxay la micno tahay inay jiraan fursado ay cayaartoyda kale ee keyda helayan. Waxaan soo aragnay intii ay socotey ciyaartii Brazil oo aan cayaarsiiney xidigo keyda ahaa oo ka faa’idaystey fursadahaas oo aad ugu weyn.” Isagoo ka hadlaya sida ay xidigaha maqan u saameynayaan qorshihiisa cayaaraha saaxiibtinimo, ayaa Southgate isku dayay inuu sameeyo waxyaabaha wanaagsan: “Waa inaan dadaalnaa iyadoo wax walba ay dhaceen, qorshihiisi hore asalka ahayd ama ku talagakii hore ahaa ee toddobaadkan in uu u cayaaro ayaa hada bedel ku yimid oo wax yar ka duwan. “Waxaa helaynaa oo aan ogaaneynaa ciyaaryahano badan oo keyd ahaa tayadooda taasi runtii ah mid waxtar leh. Si aan u aragno dhamaan ciyaartooydaas oo la cayaaraya kooxo kale oo heerka sare ah waxay naga caawin doontaa inaan gaarno go’aanno ka wanaagsan kuwii aan horey oga gaarney. Waxaa ka mid ah cayaartoydaas laacibka kooxda Brentford Ivan Toney, kaasoo Southgate uu xaqiijiyay in uu cayaari doono cayaarta Belgium iyo weeraryahanka kale Ollie Watkins ee aston Villa Ollie Watkins oo u sharaxan in uu buuxiyo booskii uu ka dhaawacmey kabtanka Harry Kane ee xulka England. Kobbie Mainoo oo looga yeerey xulka U21s – waa mid kale oo ka faa’ideystay, isagoo sabtidii u saftay ciyaarta uu dhaawac soo gaaray Jordan Henderson. Southgate oo dhahay in Henderson ay ku adkaaneyso inuu ciyaaro 90 daqiiqo Talaadada maadama ay uu qabo dhibaatadii dhaawaca. Laacibka Kooxda Newcastle Anthony Gordon oo si weyn usoo jiitay ciyaarta ugu horeysay ee xulka Brazil ayaa laga yaabaa inuu u baneeyo Cole Palmer ee kooxda Chelsea, kaasoo uu Xaqiijiyay in uu Southgate kusoo laabtay tababarka, halka Jarrad Branthwaite oo markii ugu horeysay loo yeeray uu ka mid noqon doono cayaartoyda rajaynaya inay calaamad u sameeyaan.

Sports News, Transfers, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *