UEFA ayaa bedeshay sharciyadii ku saabsanaa lahaanshaha kooxo badan, taasoo ka dhigan in laba kooxood oo la isla leeyahay ay awood u yeelan karaan inay u soo baxaan tartanka Yurub waqti isku mid ah. 20 sano, UEFA waxay go’aamisay in laba kooxood ee isku milkiilaha ah oo la isla leeyahay aan loo oggolaan in ay ka qeyb galaan tartamada koobabka ay EUFA maamusho si isku mar ah, iyadoo kooxda wooda yar ay weyneyso booskeeda ay ku cayaari laheed koobabka Yurub. Balse UEFA ayaa si aamusnaan ah u beddeshay shuruucdan, iyadoo u ogolaatay in laba kooxood oo la isla leeyahay ay ku tartami karaan koobabka UEFA ay maamusho. Kooxaha Manchester United iyo OGC Nice ayaa labaduba waxaa gacanta ku haya Sir Jim Ratcliffe iyo INEOS, halka Manchester City ay tahay kooxda calanka u ciyaarta kubadda cagta ee City Football Group, kaasoo ay sidoo kale ay leeyihiing kooxda ka dhisan dalka spain ee dheesha La Liga ee Girona. Dhanka kale, milkiilayaasha BlueCo ee Chelsea ayaa ayagana leh kooxda ka dheesha ligue 1 ee lagu magacaabo Strasbourg. Milkiilayaasha Liverpool ayaa sidoo kale qeexday damacooda ah inay ku yeeshaan qaab kooxaha kala duwan loo wada la haado ayaa warkaan uu sii dhiiro gelin doono rabitaankoodi ahaa in ay iibsadaan koox kale oo ka dhisan horyaalada kale ee yurub. ayago koobabka europe u wada tartami karaan si isku mid ah.

Xeerarkan cusub, oo hoos imaanaya qodobka 5-aad ee xeerarka tartanka UEFA, ayaa dhaqan galaya 1-da May. Saamile Ratcliffe oo ah saamiga United iyo Nice ayaa bishii February ku adkaystay inuusan ka walwalin qawaaniinta UEFA ee horey usoo rogay ee ku saabsan lahaanshaha kooxo badan si kastaba, isagoo shaaca ka qaaday in ay jiri lahaayeen goobo shaqo oo lagula wareego arrinta. “Ma jirto wax xalaado ah oo ay lahaanshaha kooxda Nice ay ku keeni doonto kooxda manchester United inay ka ciyaarto Champions League. Waxaan noqon doonaa war cad oo mugdi ku jirin sidaas waxaa yiri ” Ratcliffe. “Waxay dhaheen waa in aad bedeshaa qaab-dhismeedka lahaanshaha kooxda. Marka waa wax la ku saabsan saameyn iyo xilal aad ku leedahay kooxda iyo waxyaabo kale oo lamid ah. Kooxda Manchester City ayaa dhibkaan qaban lahaa kahor inta aan la bedelin sharcigaan sababtoo ah milkiyada kooxda kale ayaa saameyn ku yeelan laheyd. UEFA oo xaqiijisay wax ka bedelka xeerarka isreebreebka naadiyada ay isla leeyihiin milkiilayaashaas
Sharciyadii hore ayaa sheegay in hal koox oo ka mida kooxaha lahaanshaha ay ku tartami karaan Yurub waqti xaadirkan
Chelsea, Man Utd iyo Man City oo saamigoodu aya dhamaantood saami ku leh kooxaha kale, halka Liverpool ay dooneyso inay ku soo biirto kooxaha la isla leeyahay dhowaan oo ay iibsadaan oo kale. sharcigaan ayaa la go aamiyey dhowaanahaan ayaa wuxuu dhaqan geli doonaa sanadkaan bisha may 2024. marka ma saameyn doona xili cayaareedka 2023/2024 taasi oo ay wada cayaari doonaan kooxaha la isla leeyahay dhamaan tartamada ay UEFA ay qabtaan oo dhan wixii ka dambeeyo hada sharcigaan hada la bedelay wuxuu soo jirey mudo dheer oo ku siman 20kii sano ee la soo dhaafey.

Football News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *