Kane ayaa dhaawac canqowga kasoo gaaray kulankii u dambeyey bayern Munich ee uu cayaaro ka hor inta uusan la safrin kooxda England. Laacib oo la filayo inuu seegayo labada ciyaarood ee Brazil & Belgiumka Ollie Watkins & Ivan Toney oo loo badinayaa in ay buuxiyaan booska laacibkaan 30-sano jir ah ee xulka England. Kane ayaa dhaawac kasoo gaaray canqowga intii ay Bayern Munich 5-2 kaga badisay kooxda Darmstadt ka hor kulamada qaramada caalamiga ah. Isbuucaan ayaa lagu soo darey kooxda qaranka England balse Southgate ayaa haatan xaqiijiyay in Kane uu wajahayo dhaawac uuna ciyaari doonin gabi ahaanba, iyadoo ay suurtagal tahay in arrinta canqowga ay ka reebi doonto ciyaaraha saaxiibtinimo ee isbuuca soo socda ay la ciyaari doonaan xulka Belgium-ka. “Ma cayaari doonaan Harry Kane, Jordan Henderson ama Cole Palmer berri,” Southgate ayaa shaaca ka qaaday. “Waxan dhihi lahaa Cole iyo Hendo waxay haystaan fursad ka fiican in ay cayaaraan kulanka Belgiumka balse Harry kane si aad ah ayuu uga shaki qabaa in uu safan karo kulaas. Waa fursad aad ugu fiican ciyaartoyda kale. Waxan u baahannahay inaan aragno iyaga ka hor inta aan la gaarin tartanka Euro. Marka laga eego xagayaga waa isboorti iyo fursad aad u fiican.”sidaas waxaa yiri tababaraha England Southgate. Inta uu Kane maqan yahay, waxaa booska gool dhaliyaha England ka cayaari doono gooldhaliyaha kooxda Aston Villa Ollie Watkins iyo Ivan Toney oo ka tirsan brentford, ugu yaraan hal ka mid ah kuwaas oo la siin doono fursad ay ku cayaaraan kulanka Brazil Sabtida. “Taasi waa go’aan aynu gaari doonno in aan gaarno,” ayuu Southgate ka yiri ciyaaryahankiisa xiga. “Lambarka sagaalaad waa boos takhasus leh. Sifooyinkaas oo kala duwan ayey leeyihiin. Waxay ku xiran tahay dhaawacyo boosas kale buuxin karo iyo ciyaartoy ka ciyaari kara wax ka badan hal door. “Labaduba waxay ogyihiin in fursaddu ay tahay mid weyn. Labadooduba qaab ciyaareed wanaagsan ayey ku jiraan waxayna noo leeyihiin muhiimad weyn. Ollie qaab cayaareed sare ayuu ku jiraa halka. Ivan uu yahey xidig weyn lehna saamaynta aan isaga ka filaynay.”

Warar ka imaanayo dhanka Garmalka ayaa waxaa ay warbaahinta dalkaas qorayaan in kane uu seeri karo kulama budligaha ee soo socda iyo kan champion league oo ay ka hortagi doonaan kooxda Arsenal bilowg bisha soo socota ee April 9 keeda, kulankaas waxaa ka dhiman labo isbuuc marka dhaawaciisana lama ogo ilaa hada inta uu qaadan doono inkastoo uu rajo ka muujiyey tabaraha Bayern laakin wax walba waxaa cadeyn doono waqtiga waxaan la ogaan doonaa hada marka uu ka soo laabto cayaaraha qaranka England oo uu hada ku maqan yahey inkastoo uusan cayaareynin hadana ku jiro kooxda. Taageerayaasha Bayern munich ayaa wal wal weyn ka muujiyey dhaawaca xidigooda Kane, waxeyna farta ku haayaan wadnaha, waa masiibo weyn hadii uu seexo kulanka Arsenal, waayo Arsenal waa koox dhisan oo xoogan marka kooxdii ka hor tageyso waa in ay wadataa xidigahooda ugu muhiimsan sida kane oo kale ayey warbaaninta ka soo baxda dalka germalka qorayaan saaka. inkastoo ay dhici karaan dhaawacyo kale ee hada kulamadaan qaramada xidigo badan oo labada koox ahba ayaa cayaaraha kulamadaa qaramada ee la cayaari doono isbuucaan iyo kan kaleba, marka kooxo badan ayaa ka cabsi qabo in ay wayso xidiga muhiim u ah kulamada soo socda ee horyaalada iyo champion league.

Football News Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *