Bayern Munich oo laga yaabo inay iska iibiso Joshua Kimmich xagaagan. Qandaraas laacibka khadka dhexe wuxuu ku gelayaa sanadka 2025. Kooxaha ugu waa weyn Yurub ee xiiseynaya inay la soo wareegaan xili ciyaareedka laacibkaan heerka caalami ee xulka dalka Germany. Joshua Kimmich ayaa ku fakari doona inuu xagaaga u dhaqaaqo mid kamid ah kooxaha Arsenal, Barcelona, Liverpool, Manchester City ama Real Madrid laakiin wuxuu meesha ka saaray ku biirida kooxaha Chelsea, Manchester United iyo Paris Saint-Germain, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxa Germany. Laacibka qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ayaa lala xiriirinayey in uu ka tagi doono garoonka Allianz Arena sanadkii la soo dhaafay, waxaana sii kordhay wararka la xiriira wixii ka dambeeyey xilli ciyaareedkii 2023/24-da da da lasoo dhaafay. Bayern ayey u badan tahay sanadkaan in ay wayso horyaalka bundesliga ayagoo ay ka qaadeyso kooxda Bayer Leverkusen, iyadoo soo afjaraysa 11-ka koob bundesligaha xiriir ahaa. Waxaa sidoo kale kulamo adag garka loo galiyay Ciyaaraha Champions League, iyagoo ay isku dhacayaan kooxda Arsenal ciyaartii quarter-finalka ka dibna semi finalka Man City ama Real Madrid tii soo baxdo afarta ciyaarood ee soo socda markii la cayaaro. Kimmich ayaa qandaraaskiisa uu ku ekyahay 2025- ka, maadaama wadahadalladu aysan si weyn u soconin ee uu ku saxiixayo heshiis cusub, warbaahinta ayaa sheegay in kooxda in Bayern iyo laacibka ay labaduba u furan yihiin sidii ay u sahli lahaayeen in uu ka baxo dhamaadka xilli ciyaareedka. Iyadoo ay suurta gal tahay in uu dhageysto xiisahaha kooxaha raba in ay la wareegaan, Kimmich ayaa ku fekeraya in shantaan kooxood ee kala ah , Arsenal, Barcelona, Liverpool, Man City iyo Madrid mid kood u dhaqaaqo xagaaga soo socda. warbaahinta sportska footbool.net ayaa shaaca ka qaaday bishii Oktoobar in Man City ay sare u qaadi doonto xiisaha ay u qabto Kimmich xagaagan, halka dhowr ka mid ah kooxaha ugu sarreeya Yurub ay sahamiyeen dhaqaaq ay sanadkii hore u dhaqaaqaan haddii uu u suuro gasho. Shanta kooxood uu kimmich door bidayso ayaa laba ka mida wali wada goʼaanka qorshahooda mustaqbalka in ay qaataan wali cadeyn. iyadoo kooxda Barcelona ay raadineyso laacibkan . Jurgen Klopp oo ka tagaya kooxda Liverpool oo saameyn ku yeelan doonto go aankiisa kooxdaas in uu u wareego Bayern ayaa ku guda jira uugaarsiga macalin cusub oo uu ku badali doono Thomas Tuchel. Marka laga soo tago shantaan dhinac, Kimmich ayaa la fahmayaa inuu caddeeyay inuusan ka fiirsan doonin ku biirida chelsea, United iyo PSG. wuxuu horey u cayeeyey in uusan ku jirin qorshaha ku biiriskta kooxahaan asagoo ku diidey in kooxahaan uusan fadhin qaab cayaareedkooda oo ay ku jiraan xili jahwareer ayagoo soo iibsadey xidigo badan oo tayo sare leh hadana aan u soo muuqan sidii la rabey marka laacibkaan ayaa dareesan in uu ku jahwareeri doono hadii uu ku biiro kooxahaan sidaas ayuuna oga wareegayaa, wuxuu rabaa kooxo dhisan oo uu horey ula qabsado kubadooda. wali war kama soo bixin sadexdaan kooxood oo uu u cadeyey in uu san ku biiri doonin in ay wali daneynayaan xidigaan iyo in ay ka tashteen oo laacibiin kale u wareegeen booskiisana ah.

Football News, Transfer News, Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *