Kooxda Blues ayaa dhaliyey laba gool oo ay ku hogaamiyeen haafkii hore ee cayaarta, kulankaan oo ka dhacey garoonka standford bridge ee chelsea ku dheesho. Dadweyne aad ugu faraxsan oo soo buux dhaafiyey garoobka Stamford Bridge ayaa sababay in dareenkooda ay soo bandhigaan ka dib markii ay kooxdoodi si fiican u cayaartey taasi oo u soo suura geliyey in ay gaaraan semi finanka koobkana ayagoo boos ka sii qabsadey garoonka weyn ee Wembley kaasi oo lagu cayaari doono semi finanlka iyo finalka. Kooxda Chelsea waxaa goolka kowaad u dhaliyey xidigooda daafaca ka cayaaro M. Cucurella kaasi oo dhaliyey daqiiqadii 13aad intaas ka dib ayey chelsea heleen rigoore laakin waxaa qasaariyey Sterling daqiiqadii 26aad, laakin waxaa u labeeyey oo 2-0 ka dhigey cayaarta waa xidiga weerarka ah ee Chelsea laguna magacaabo C. Palme daqiiqadii 45aad intaas lagu kala nastey. ka dib haafkii dambe ee cayaarta ayaa waxaa gool iska dhaliyey A. Disasi oo ka dhigey 2-1 taasi oo rajada Leicester soo nooleysay ayagoo la yimid goolkii bareejada daqiiqadii 62 labaad. Cayaarta oo 2-2 ah ayaa waxaa hal mar isbedeley jawigeeda ka dib markii uu kaarka casaanka ah uu qaatey cayaaryahanka reer leicester C. Doyle taasi oo ka dhigtey 10 xidig in ay ku soo haraan garoonka una sahashay chelsea in la wareegaan cayaarta waxeyna la yimaadeen gookii guusha oo uu dhaliyey xidigoodi C. Chukwuemeka daqiiqadii 92 laad goolkaas ka dib hadan Chelsea ayaa la imaatey gookii 4aad ee cayaarta kaasi oo uu dhaliyey xidigooda garanka ka dheela ee lagu magacaabo N. Madueke daqiiqadii 98 aad taasi oo wada cad tustey Leicester city kana ciribtirtey koobkii FA cupka. Chelsea oo u soo baxdey semi finalka koobkaan ayaa la cayaari doontaa Manchester united oo ayaga u soo gudbey wareegan semi finalka ah tii soo gudubtana waxay final ka isku arki doonaan Mancity iyo Derby united oo semi finalka wada cayaari doono tii u soo gudubka finalka la cayaari doonaan.

Football News, Transfer News, League Tables Wargeyska sports footbool.net

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *