Kooxda Tottenham Hotspur ayaa iska qasaarisey fursadii ay u haysatey inay ku soo baxdo kaalinta afraad horyaalka Premier League kadib markii ay 3-0 kaga adkaatey kooxda Fulham. Kooxda martida ahayd ayaa garoonka oo dhan qabsatey waxayna noqdeen koox si fiican isu fahan oo u qalmey guushii, iyagoo soo afjartay rekoorkii Spurs ee todoba guul oo xiriir ahaa ee horyaalka premeir league. Guuldaradaan ayaa sidoo kale soo afjarey rekoor kale oo ah in ay Tottenham gool ku dhalin jirtay kulan kasta oo ay horyaalka ku ciyaartey. Kooxda Fulham ayaa ka soo kabatey dhabar jabkii ay kala kulantay Yurub league, waxayna iminka kaliya shan dhibcood u jirtaa todobada ugu sareysa.

Kooxda Manchester City ayaa dhulka ku jiidey kulankii maanta oo sabtida kooxdii New castel, waxayna soo gaartay guul 2-0 oo ay kaga badisay kooxda Newcastle United iyagoo xaqiijiyey bookoodi semi-finalka koobka FA Cu ip-ka. Laba gool oo uu dhaliyay Bernardo Silva qeybtii hore ayaa ugu dambeyntii dhaawaca u gaystay kooxda City oo si wanaagsan cayaarta u kontorooshey ayaa ugu dambey garoonka kala soo baxdey gool ayagaa New castelna bur burieyey riyada kaliya ay koob ku qaadi lahaayeen xili cayaareedkaan, waxaan u dambeyey kan caawa looga adkeedey wax koob oo ay u tartamayaan hada ma jiro. Waa safarkii lixaad oo xiriir ah oo City ay ku aado semi-finalka – rikoor cusub oo tartankaan ah oo ay caawa dhigeen. kubada fiican oo weeraro u badan oo city soo qaadey ayaa waxaa u suuro geliyey in xidigii maanta ee garoobka Bernardo Silva uu dhaliyo labo gool qeybtii hore ee cayaarta taasi oo City ku badiyay 2-0 ay kaga badiyeen Newcastle. Newcastel ayaan fiican isku daysay in ay cayaarto laakiin ku guuldareystay iney maareyso tayada xidiga cidy ay garoobka ku soo galeen taasi oo ugu dambeyn ka huleeyey koobkii kaliyoa ay rabeen in ay ku bad baadiyaan xili cayaareedkooda.

Wargeyska sports footbool.net Football News,

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *