Mason Mount oo kusoo laabtay tababarkii Man Utd ka hor kulanka Liverpool. xidigaan £60m ku soo wareegay xagaaga hore ma uusan ciyaarin tan iyo 11 November. Cayaaryahankii hore Chelsea ayaa Man United u saftey Kaliya 12-ka kulan oo kaliya dhamaan tartamada oo dhan. Waxay ahayd maalimo madow oo ay hareeyey dhaacawyo iyo guul darooyin oo uu kula kowsadey nolosha magaalada Greater Manchester, balse hada rajo ayaa ka soo muuqda ugu dambeyntii laacibkan oo maanta dib ugu soo biiray kooxdii ku tabobareneysay garoonka tababarka ee Carrington. Mount ma uusan u cayaarin United tan iyo markii ay 1-0 kaga adkaadeeen Luton Town garoonka Old Trafford 11-kii November, isagoo soo gaaray dhaawac wey ka hor safarka kooxda ay ku tageysay Everton dabayaaqada bishaas. Markii hore waxaa la sheegay in uu ilaa iyo 4 isbuuc ka maqnaan doono kooxda balse kusoo laabashadiisa tababarka ayaa imanaysa 4 bilood ka dib. 25-sano jirkaan ayaa ka maqnaa 21 kulan dhamaan tartamada oo dhan intii uu maqnaa muddadaas, hase yeeshee wuxuu horey u maqnaa shan kulan maadama uu dhaawac ka maqnaa dhaawac gaaban oo bilaabmay bishii August.

Mount wali ma dhalin goolal ama ma sameynin caawin gool kulan Premier League inta uu ku soo biirey oo uu xirtey maaliyada United, halka goolka kaliya ee uu ku lug lahaa ilaa iyo hadda uu ahaa caawinaad ay Koobka Carabao kaga badiyeen Crystal Palace dib sebtember. Waxaa wali la hubin xiliga dhabta ah Mount laga yaabo in uu kusoo laabto garoonka United, iyadoo loo baahan yahay in la dhiso awooda jir dhiska tababar badan oo uu u baahan yahey ka dib markii uu muddo dheer ciyaaraha ka maqnaa.

Man United ayaa ku soo wajahan kooxda Liverpool wareega lixaad ee koobkka FA Cup-ka ee Old Trafford Axadda soo socota, ka dibna safar Premier League ay 30ka Maarso ku aadi doonaan Brentford, ka hor fasaxa cayaaraha qaramada la aadi doono.

footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *