Ederson oo garoonka ka baxey dhaawac dartii ka dib markii ay isku dhaceen Darwin Nunez intii ay socotey cayaartii barbardhaca la galeen Liverpool Goolhayaha u dhashay Dalka Brazil oo dhaawac culus ka gaarey jilibka midig. Goolhayaha Manchester City Ederson ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado ilaa afar isbuuc taasoo ka dhigeysa inuu shaki weyn ku jiro inuu wajaho Arsenal dhamaadka March, sida ay wararku sheegayaan. Brazilian-ka ayaa dhibaato dhanka jilibka ah ka soo gaartay ka dib markii ay isku dhaceen weeraryahanka Liverpool Darwin Nunez garoonka Anfield – dhacdadaas oo keentay in kooxda martida loo ahaa rigoore lagu abaalmariyo cayaartii barbarad ku soo dhamaatey. City oo haatan codsatey in la ogolaado goolhayaha ugu yar ee horyaalka premeir league si uu u cayaaro kulanka Arsenal.

Ederson ayaa isku dayay inuu sii cayaaro cayaarta laakiin waa uu awoodi waayay inuu sii wato ka dib markii uu xanuunka u adkeysan waayey. Waxaa bedelay Stefan Ortega, kaasoo ka caawiyay City inay dhibco muhiim ah ka hesho kooxda ay ku xafiiltamaan horyaalka. Warbaahinta sports ayaa ku warameysa in City uu ka maqnaan karo Ederson ilaa afar isbuuc inta uu ka soo kabsanayo, taasoo ka dhigan inuu shaki weyn ku jiro inuu wajaho kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier League ee Arsenal dhamaadka bishaan. Pep Guardiola ayaa ciyaarta ka dib qirtay in dhaawaca Ederson uusan u muuqan mid wanaagsan, iyadoo Ortega uu haatan saf ugu jiro inuu dhexda u galo ulaha iyadoo City ay isha ku heyso inay ku guuleysato koobkeedii afaraad oo xiriir ah Premier League. “Haddii aad kursiga keydka fadhido, mar walba waxaad ka fikirtaa waxa dhici kara haddii aad garoonka gasho,” Ortega ayaa u sheegay warbaahinta kooxda City ka dib markii uu ka soo muuqday wareysi muuqaal ah “Kulankii Liverpool waxay ahayd waqtigeyga dhaawaca Eddie. diyaar ayaan u ahaa had iyo jeer. Maalin walba waxaan ku sameeyaa tababarka, waxayna ku saabsan tahay inaan sidaas oo kale sameeyo, waxaan ku riyaaqay ilbiriqsi kasta, ma ahan wax cusub waxa yimid – diyaar ayaan u ahaa oo diyaar ayaan ahay.” Ortega ayaa sidoo kale amaan ka helay daafaca dhexe ee John Stones, iyadoo daafaca City uu yiri ka dib seeriga buuxa ee ciyaarta: “Ma fududa in la soo galo marxaladan iyo sida uu u ciyaaray, badbaadintii uu soo bixiyay, badbaadino caqli badan.

wixii aqbaar sports ah halkaan kala socda footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *