Chelsea oo 3–2 kaga badisay garoonka Stamford Bridge kooxda Newcastle cayaartii caawa Nicolas Jackson ayaa dhaliyay goolkii furitaanka wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray cayaartii xaley ee guusha ka gaareen. 22-jirkaan ayaa la dhaleeceeyay xilli ciyaareedkaan laakiin ugu dambeyntii waxaa uu muhiim u ahaa chelsea iyo macalinkiisa Mauricio Pochettino.Blues ayaa hoos udhacday iyadoo ka baxsan tartanka horyaalka loogu jiro ayaa waxayna hada ku jiraan  booska hooska kaalinta  11 aad bartamaha kala sareynta horyaalka . Kharashka la geliyey suuqa kala iibsiga ayaa dhaafay £1bn laba sano gudahood laakiin waxey la yihiin koox tayo leh oo u qalanta lacagii la geliyey waxeyna ka maqan yihiin kooxaha tayada leh u tartama horyaalka Yurub laga bilaabo 2021. Inta lagu guda jirey suuqa kala iibsiga  cayaartooyda oo su’aalo badan laga keeney lacagaha lacagaha waalida ahaa ee suuqa la geliyey, hadana waxaa jiray dhowr cayaaryahan u qalmay qiimaha lagu soo iibshey sida  Malo Gusto oo ka yimid Lyon £ 26m oo bedel u ah si uu u daboolo dhaawaca joogtada ah ee Reece James ayaa u muuqda mid caqli gal ah maalintii. Waxaa laga yaabaa inay ku badiyeen mushahar dhan £40 m Cole Palmer xiligan la joogo laakin waxaa uu xaqiiqdii u muuqdaa inuu u qalmo lacagtaas dibna u gudaayo ciyaar kasta oo uu cayaaro.

Hadana waxaa joogay Nicolas Jackson, oo Villarreal laga keenay £32 m. Waxa uu ahaa laacibka kaliya ee heerka sare ee Chelsea ay saxiixday xagaagii lasoo dhaafay iyadoo sida muuqata ay booskani aadka ugu baahida badan u qabeen in la casriyeeyo, gaar ahaan maadaama Kai Havertz laga iibiyay Arsenal – kooxda Blues waxa ay dhalisay kaliya 38 gool 38 kulan oo horyaal premier league xilli ciyaareedkii la soo dhaafay. Filasho badan oo dhanka weerarka ah ayaa isla markiiba  garbaha laga saarey Jackson. Waxa uu ahaa xidigii loo keeney inuu xaliyo dhibaatada ka haysata dhanka gool dhalinta kooxda, in kastoo ayey deg deg tahay arinta filasha asaga laga rabo dhanka goolasha waayo laacibka wuxuu u baahan yahey waqti uu kula qabsado kooxda iyo qaabka ay u dheeso iyo horyaalka premier league oo ku cusub isaga. Janaayo la soo dhaafay Jackson ayaa ku sigtey inuu u dhaqaaqo kooxda ee Bournemouth kaliya isagoo ku guuldareystay tijaabada caafimaadka, waxaana si lama filaan ah u soo gashey tartankiisa la wareegida mid ah kooxaha ugu waa weyn dunida. kadib markii uu Jackson qasaariyey fursado dhawr jeer oo goolal loo filan karey, ayaa dhaleeceyn deg deg ah ayuu la kulmey. Wuxuu noqdey xidigii flopbabka hogaaminayey ,arin lagu deg degay ayey ahayn.

kala socoda waraka cayaaraha oo joogto ah footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *