Waa cadaalad in la yiraahdo Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola kulankii ugu dambeeyay ee Premier League ay kula kala baxeen bar baro. Waxay aheyd cayaar xamaasad leh oo dhacdey maanta, iyadoo kooxahooda ay ku soo bandhigeen ciyaar xiiso badan garoonka Anfield.Rigoore uu dhaliyay Alexis Mac Allister bilowgii qeybta labaad ayaa kansalay dadaalkii John Stones ee qeybtii hore ee ciyaarta, isagoo xaqiijiyay in dhibcaha ay qeybsadeen kooxaha horyaalka ku xafiiltamaya.Hadal heyntii ugu badneyd cayaarta ka hor ay ka ahaan ciyaartoydii ciyaarta ku soo bilaabanaysay, dhammaan hadalladii ciyaarta ka hor waxa ay ahayd mid ku saabsan oo kaliya ciyaartoydii ka maqnayd safka Liverpool.Inkastoo uu khamiistii ka soo muuqday Europa League, Mohamed Salah looma arkin taam ku filan inuu ku soo bilowdo, halka daafaca dhexe Ibrahima Konate welwelka dhaawaca uu soo gaaray bartamihii isbuuca taasoo la micno ah inaan gabi ahaanba lagu darin kooxdii ciyaarta.Maqnaanshaha Salah ee line-upka 1-aad ayaa si gaar ah uga falceliyay taageerayaasha Reds.Waxaa sidoo kale jiray xoogaa niyad jab ah oo ku saabsan Konate oo uu halis galiyay Jurgen Klopp kulankii Liverpool ee guusha la filayo ee ay ka gaareen Sparta Prague Khamiistii la soo dhaafey.Daqiiqadii 20-aad ee furitaanka ciyaarta oo ay kooxda martida loo ahaa ee Liverpool  ay iska difaaceen kooxda Manchester City ayaa ugu danbayn ciyaarta  is bedeshay daqiiqadii  23 aad oo city la imaatey goolkii ugu horeeyey ee cayaarta. Kevin De Bruyne ayaa kubad qurux badan ku soo laaday xerada ganaaxa una soo dhigay  Stones, daafaca dhexe ayaan wax qalad ah samaynin kubad uu sameeyay, isagoo daba mariyay gool hayaha liverpool shabaqana dhex dhigay. Waxaa jirey muran ka dhashey goolka laakin garsooraha ayaa ku adkeystey in uu sax yahey.Halka jamaahiirta Man City ay ku farxeen, taageerayaasha Liverpool ayaa ka xumaaday faragelin la’aanta VAR ee goolka. Qalad uu galey Nathan Ake oo u ku galey  Mac Allister kaas oo u abuuray booska Stones ee uu goolka ka dhaliyey taageerasha ayaa cadho xoog leh la qeylinaayey.City ayaa sii heysay qeybta hogaanka cayaarta hogaankeeda,iyadoo labad dhinacba ay iska lumiyeen fursado badan ka hor inta aan dhamaanin qeybtii hore ee cayaarta.Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Reds heshay fursad ay ciyaarta barbaraha ugu soo laaban kartay kadib markii ay qalad sameeyeen Ake iyo Ederson ay keentay in rigoore loo dhigo kooxda martida loo ahaa. Ake ayaa baas danbe oo aan wakhtigiisa wanaagsanayn u dhigay goolhayihiisa waxa gooyay Darwin Nunez oo dagdagayay, ka dibna waxa qalad ku galey  Ederson waxaana loo dhigey rigoore liverpool kaasi oo uu Mac Allister u dhaliyey goolka bareejada Liverpool. 

wixii warbixino cayaaraha horyaalada dunida dhamaantood halkaan kala socda.

Wargeyska sports footbool.net Football News, Transfer News, League Tables 

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *