Kooxda Arsenal ayaa horyaalka Premier League la wareegtey ka dib markii  ay  goor danbe 2-1 kaga badisay kooxda Brentford cayaartii daqiiqado soo idlaatey Emarat stadium. Gunners ayaa  gaartay guushii  siddeedaad ee horyaalka oo xiriir ah taasi oo u sababtey in koraan booska koowaad laakiin si sahlan kuma ay san qaadan seddexda dhibcood ee cayaartii galabta ka dhacdey  garoonkooda Emirates Stadium. Goolka Brentford ayaa ahaa mid nasiib ah laakiin kooxda Thomas Frank si fiican ayey u dagaalameen waxaana kaliya ay hal dhibic lumiyeen daqiiqadihii ugu dambeysay ee cayaarta.

Arsenal ayaa ku dhowaaday inay si toos ah gool uga dhaliso kubad koornaha ah furitaanka ciyaarta. Declan Rice ayaa soo qaadey kubad qurux badan  asagoo soo dhaafiyey daafaca Jakub Kiwior ayuu banaanka u soo dhigey Havertz  balse , waxaa jilibka ku taabtey Ivan Toney uu badbaadiyay  gool laga dhalin lahaa Brentford.

Rice ayaa goolka furitaanka arsenal u dhaliyey cayaarta markii ay socotey 10 daqiiqo oo kaliya kubad fiican oo uu soo qaabeeyey Ben White. Cayaarta oo aad u kululeed gool kale la iskama dhalin ilaa ay gaarto daqiiqadii 45 markii lagu dare 4 daqiiqo oo dheeri ah ayey la yimaadeen kooxdii Brentfort waxaan u dhaliyey Y. Wissa. Haaf kii hore ee cayaarta sidaas ayaa lagu marey. Ka dib markii la isku soo laabtey ayaa Arsenal fursado badan abuureen laakin waxba kuma dhalin ilaa hal gool oo laga diiday oo uu dhaliye Jorginho oo noqdey ofside. Laakin arsenal kama quusan oo way dagaalameen ilaa daqiiqadii 85aad oo uu dhaliyey gool qurux badan Kia Havertz.

Arsenal ayaa hogaanka ku qabatey 64 dhibcood halka Liverpoolna ay leeyihiin 63 iyo city 62 oo kulan u dhiman yahey labadooda berito oo axada ah, hadey bareejo galaan city iyo liverpool hogaan wali waxaa sii heyn doonto Arsenal oo ay isku dhibco noqon doonaan ayaga iyo livepool min 64 dhibcood laakin Arsenal ayaa ku qaban doonto farqiga gooladasha  taasi oo Arsenal ka goolal badan tahay Liverpool.

Warar kasta oo sports ku saabsan kala soco footbool.net Football News, Transfer News, League Tables

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *