Klopp oo xaqiijiyay in Salah uu diyaar u noqon doono kulanka Axadda horyaalka ay la ciyaari doonaan Man City. Xidiga reer Masar ayaa ciyaaray hal mar kaliya tan iyo markii uu dhaawac kasoo gaaray dhaawac kasoo gaaray muruqii ka dhacay koobka Qaramada Africa Reds waxaa ka sii maqnaan doono xidigaha kala ah Alisson, Alexander-Arnold iyo Diogo Jota.

Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in Mohamed Salah uu kasoo bogsaday dhaawaca waxaana uu diyaar u yahay inuu ka hor tago kooxda Manchester City kulanka weyn ee horyaalka Premier League oo ay ku marti gelin doonaan garoonka Anfield. Laacibka heerka caalami ee xulka Masar ayaa la dhaawacmay intii lagu guda jiray koobka Qaramada Afrika, isagoo tartankaas ku seegay dhaawac uu garoomada kaga maqnaa in mudo taasi oo sababtey in xulkiisa ka haro cayaarihii qaramada afrika. ah kadib markii ay kooxdiisa ay cayaareen labadii ciyaarood ee ugu horeeyay ee heerka group-yada ah.

Wuxuu sameeyay soo laabasho kooban isagoo badal ku ah qeybtii labaad ciyaartii ay Brentford ku badisay bartamihii Janaayo balse tan iyo ma uusan ciyaarin. Si kastaba ha ahaatee, Klopp ayaa qiray inuusan badanaa dib ugu soo ordin doonin laacib si dhakhso ah, tabobaraha jarmalka ayaa dhibaatada dhaawac ee kooxdiisa ku tilmaamay mid xasaasi ah xilli ciyaareedkan. “Wuu nala joogay oo laba maalmood ayuu tababbaray, waa tamar badan yahay, waa in aan aragnaa. Laakin waxaa fiican inuu soo laabtay. Runtii aad ayay u fiicantahay waadna arkaysaa inuu ku faraxsan yahay,” ayuu yidhi Klopp ka hor inta aysan Liverpool oo Lugta hore kaga hor imaan kooxda Sparta Prague ee koobka Europa League 16-kii ugu dambeeyay. “Waa xaalad aan caadi aheyn maadaama uu waqti dheer ka dibna uu dib u soo laabtay Brentford, ciyaaray ciyaar cajiib ah ka dibna wuu ka baxay.

“Laba maalin oo uu ku sugnaay tababarka kooxda xaaladadiisa soo kabasho awgeed kuma aysan jirin shaxda kooxda kowaad balse waqtiga hada la joogo waa macquul in uu ku soo bilaabto kulamada soo socda.

“Waxaan dooneynaa inaan taxadarno, waa in aan taxadarnaa iskastoo aan ku jirnaa bartamihii xilli ciyaareedkaan, waxaana u baahanahay qof walba. “Markaa aan aragno muddada ay gaari karto isaga iyo arrimaha noocan ah. Haa, waa uun war wanaagsan.”

Inkastoo Salah lagu wadaa inuu soo laabto todobaadkan dhamaadka ah, Liverpool ayaa weli ka maqan yihiin ciyaaryahano muhiim ah. oo kala ah Alisson, Diogo Jota, Trent Alexander-Arnold, Curtis Jones iyo Ryan Gravenberch mana la socon kooxda safarkii  kooxda ay u safreen dalka  Czechia mana soo laaban doono ka hor fasaxa cayaaraha caalamigga ah ee march dhici doono halka Stefan Bajcetic iyo Thiago ay iyaguna dhaawac ku maqan yihiin.

Warbixintaan waxaa soo diyaaryey oo isku soo duba riday waa wargeyska footbool.net Wargeyska wararka cayaaraha caalamka maalin la ah shabakada footbool.net

Source waa Football News, Transfer News, League Tables & Opinion | 90min

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *