Kooxda PSG ayaa tarbuunka saartey xidigooda weerarka ahaa Mbappe kaas oo ka soo muuqda tarbuunka kulankii ay jimcihii la cayaareen kooxda Monoco. PSG ayaa dhibco badan lumineysa intii ay keyd dhigeen xidigooda ayadoo habeen hore bareejo la soo gashey Monoco ayaa hada Tababare Luis Enrique la waydiyey sababta uu xidigaan tarbuunka u saarey ? Macalinka ayaa ku jaawabey sida tan: Dhowaa ma dheeraa mar un waxaan cayaari doonaa Mbappe la aantiisa marka wax macno ah ma sameyneyso in aan hada dhigo tarbuunka ayuu ku jawaabey taasi oo macnaheeda ah in uu ogyahay in xidigaan Real madrid ku biiri doono xagaagan sidaasna oo u baahneyn hada oo uu rabo in xidigii bedeli lahaa uu sii baro kooxda iyo qaab ciyaareedkiisa. Mbappe ayaa isana la wareystey oo yiri aniga ma ahan dhibkeyga ee waxaan ahey nin profeshonal ah marka waa dhib u yaalo tababaraha iyo maamulkiisa.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *