Cayaarihii oo meeshoodii ka sii socda ayaa waxaa kulan xiiso badan dhexmarey labada naadi ee ka ah Baysom iyo Horseed. Waxey aheyd kulan ka mid ah kulamada hoyaalka Seria a ee South west league kaasi oo si hamsami ah oga socda caasimada gobolka bay ee magaalada Baidoa. Kulankaan ayaa ku bilowdey dar dar iyo weerar iyo weerar celis labada kooxoodba ah. Waxey aheyd cayaar aad u xiiso badan oo ay taageerayaasha la dhaceen daawashadiisa waxaa uu ku soo dhamaadey 4-1 oo ay guusha ku raacdey kooxii Baysom taasi oo si fiican u dheeshay una qalantey natiijada halka kooxdii Horseed ee laga awood bateyna ay soo bandhigeen cayaar asluub iyo cayaar wanaag. Hoyaalkaan ayaa sii kululaanaya maalinba maalinta ka dambeysa.

Halkaan kala soco kulama kale ee la cayaaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *