Macalinka cadaadiska ku sii badanaayo ee David moyes ayaa laga yaaba in la eryo isbuucan hadii laga badiyo kulan dambe ee ka tirsan premeir league. taageerasha ayaa aad ugu kacsan ka dib guuldarii ka soo gaartey kooxda Arsenal ee aheyd 6-0 taas oo kicisay carada taageerayaasha. waxaa jiro shan tababare oo laga yaabo in midkood uu qabto hadii Moyes la ceyriyo.

Graham Potter wuxuu shaqo la aan yahey tan intii laga ceyriyey Chelsea ka dib guuldarooyin joogto u noqdey xilii uu chelsea joogay. Will Still waa tababaraha kooxda Reims ee Ligue 1 ee dalka faransiska, waa nin aad u fiican waxaana lala xariirinaayey sanadahaan dhan in uu u soo wareego premier league. Michael Carrick waa cayaaryankii khadka dhexe ee West ham ka hor Manchester. wuxuu si fiican u yaqaana dabeecadaha naadiga. wuxuu hada tababare ka yahey kooxda Middlesbrough ee ka cayaarta championshipka. Steve Cooper hadii West ham u baadan tahey in ay hesho tababare qibrad leh waa ninkaan wuxuu championship ka keenay kooxdii Nottingham forest oo uu si fican u soo dhisey inkastoo laga ceyriyey kooxda natiijo xumo la soo daristey xiliyadii dambe. Jose Morinho tan iyo intii uu ka soo tagey Roma bishii hore wax shaqo ah ma haayo wuxuuna jeclaan lahaa in uu ku soo noqdo premier league, wali guulo lama gaarin koox kale oo premier ka cayaarto aan ka aheen chelsea oo uu guulo badan la gaarey.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *