Waxaa shaley galab degmada xudur ee caasimad gobolka bakool ka dhacdey cayaar adag oo aad loogu soo diyaar garoobey. Labada kooxoodba waxaa ka muuqdey diyaar garow aad u sareeyo . Waxeyna labadaba soo bandigeen cayaar aad cajiib oo jiidasho laheyd aadna u qancisey dad weynihii cayaarta u soo daawahso tagey ugana kala yimid dhamaan degmooyinka gobolka.

Labada kooxoodba awoodooda way iska ekeed oo kooxna kooxda kale kama awood badneyn sidaas daraadeed ayey cayaartii ku soo dhamaatey 2-2 oo bar baro la isla dhaafi waaye. Labada xoogood sidaas ayey dhibcihii ku kala gurteen.

Sawirada cayaartii oo ay shabakada foobool.net idinkaga soo qaadey cayaarta ka daawo hoos.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *