Waxaa si habsami leh oga socda magaalada caasimada ah ee Baydhabo horyaalka South west state. Cayaar kulul oo aad u xamaasad badneyd ayaa ka dhacdey garoonka weyn ee Dr Ayub Sheik Yarow cayaartaas oo u dhaxeysay labada naadi ee kala ah FC Sheekh Asharow iyo FC Xidigaha Busley. FC Xidigaha Busley ayaa ku adkaadey 3-1. waxeyna u tahay natiijo aad u fiican. Xidigaha busley way u qalmeen guusha ay maanta la hoydeen. Dhanka kale kooxdii FC Sheekh Asharow oo nasiibka ka hiiliyey ayaa isku dayo badan ay sameeyeen aan miro dhalin lkin waxaan shaki ku jirin in kulamada soo socdo ay natiijooyin fiican ay la imaan doonaan.

Wixi warar ha ee ku saabsan horyaalka south west state halkaan ayaad kala socon dontaan kulumo kale ayaa beri dhici doono insha allah waan idin soo gudbin doonaa.

By Admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *